Guddoomiye Cirro oo Boqolaal Ka Mid Ah Dadweynaha Reer Boorama Salaadii Jimce la Tukaday +SAWIRO

0
38

IMG_0050Boorama(Waaheen):-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiye xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Boorama salaaddii Jimce kula tukaday Mustajaamaca weyn ee magaaladdaasi.

Md.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxa tukashadiisa salaada Jimce ku wehelinaayey ku xigeenka 1aad WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xoghaye xigeenka arrimaha gudaha xisbiga WADDANI Daa’uud Foodcadde iyo sida oo kale haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun.

Waxaana salaaddii Jimce ka dib oo guddoomiyahu uu halkaas kula hadlay dadweynaha ku soo tukaday Masjidka isaga oo dhammaantoodba Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaasha suuban sida oo kalena uu Alle ka baryaayo in uu umadda Somaliland, gaar ahaan kuwa abaaraha iyo biyo la’aantu hayso ee goballada galbeedka uu ka soo jabiyo, uguna deeqo raxmaadkiisa.