Taliyihii Laanta Socdaalka Somaliland oo la Bedelay iyo Taliye Cusub oo la Magacaabay

0
85

Waxa loo magacaabay Taliyihii xilligii UDUB

taliyeHargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa xilkii Laanta Socdaalka Somaliland u magacaabay Dayib Cismaan Caalin oo ahaa Taliyihii Laanta Socdaalka xilligii UDUB.

Wareegtada Cali Warancade xilka kaga qaaday Taliyihii hore ayaan la garanayn sababta uu u cuskaday, hase yeeshee waxa la sheegay in shalay subax lagu war-galiyey xilka qaadistiisa.

Dayib Cismaan Caalin ayaa xilka Laantaasi hore ugu wareejiyey Maxamed Canbaro oo ahaaTaliyaha Laanta Socdaalka, waxaanu Dayib illaa mudadaas ahaa xil suge.