0
129

IMS/FOJO iyo SOLJA oo ka wadahadlay fulinta mashruuc laba bilood oo socon doona

17-02-2016 (SOLJA) IMS/FOJO iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa ka wadahadlay sidii loo fulin lahaa mashruuc laba bilood socon doona oo ay labada dhinac heshiis ka gaadheen sanadkii 2015-kii, kaasoo ku saabsanaa sidii loo tayayn lahaa awooda Ururka iyo shuruucda Saxaafadda.

Finn Rasmussen oo ah madaxa ugu sareeyDSCF3699a mashaariicda IMS/FOJO oo uu wehelinayey Khaalid Baashe oo ah u qaybsanaha Somaliland ee hay’adaasi ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamudd Cabdi Jaamac oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud iyo Madaxda Mashaariicda Yaxye Maxamed Cabdi iyo Liibaan Cabdi Xasan, waxaanay ka wadahadleen fulinta mashruucaasi oo socon doona illaa bisha April.

IMS/FOJO iyo SOLJA waxay isla soo qaadeen xaaladda ay ku sugan tahay Saxaafadda Somaliland iyaga oo falanqayn dheer kadib isla qaatay inay ka wadashaqayn doonaan sanadkan mashruuca imika ay wada saxeexdeen iyo mashaariic kale oo la xidhiidha horumarinta Saxaafadda.

DSCF3709

Finn waxa uu balanqaaday in uu u keeno doono SOLJA khubaro ka caawisa aqoonta shuruucda Saxaafadda, isla markaana uu kulamo kor loogu qaadayo u qaban doono Ururka, kuwaas oo ka dhici doona dalka gudihiisa iyo dibediisa inta suurtogal ah.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA waxa uu u sharaxay Finn dhibaatooyinka haysta Saxaafadda Somaliland, isagoo ka codsaday inay ka taageeraan sidii looga bixi lahaa, gaar ahaan dhinaca shuruucda iyo Aqoonta Saxaafadda.

DSCF3710

SOLJA waxay u sharaxday madaxda IMS/FOJO sida wax looga qabtay caqabado badan oo horyaalay saxaafadda iyo dhinacyada kale ee Garsoorka iyo Xukuumadda, waxaanay sheegeen madaxda SOLJA inay kulamadaasi noqdeen kuwo midho dhal ah oo yareeyey xadhigii iyo khilaafkii u dhaxeeyey.

DSCF3713 DSCF3709 DSCF3707 DSCF3706 DSCF3705 DSCF3703 DSCF3702 DSCF3699