Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Barnaamijka Horumaarinta Cilmiga

0
69

212222Hargeysa(Waaheen) Midawgay Yurub iyo dawlada somaliland waxay si wada jir ah u daah fureen wajiga labaad ee barnaamijka lagu taageerayo waaxda waxbarashada ee somaliland oo ay ku baxayso lacag dhan 11 million Euros.

Wajiga labaad ee horumarinta cilmiga waxa hir gelinaya hay’adda Save The Children oo kaashanaysa dallada labada hay’adood ee NRC iyo Care, barnaamijkani waxa uu beegsanayaa inuu bixiyo adeegyo waxbarasho iyo kuwa tababar oo loo fidinayo kana turjumaya baahiyaha ay qabaan caruurta iyo dhalinyarada somaliland ee dugsiyada ku jirta

horu marinta cilmiga wajigiisa labaad waxa uu dhidibada u aasayaa isla markaana sii balaadhinayaa guulihii laga gaadhay wajigii koowaad ee barnaamijka, kaas oo la soo gaba gabeeyey bishii November ee sanadkii 2015, barnaamijka aynu kor ku xusnay waxa uu ahaa mid lagu guulaystay iyada oo ay si toos ah uga faa,iidaysteen caruur tiradoodu dhan tahay 27698 ah da’da dugsiyada hoose dhexe, 11297 oo ah caruurta ku jirta dugsiyada sare iyo 2162 dhalinyar, dhalinyaradaas oo la siiyey tababar la xidhiidha farsamada gacanta sida oo kale waxa barnaamijku uu dhisay 30 dugsi oo cusub iyo 120 fasal  kuwaas oo si laxaad leh kor ugu qaaday jawiga waxbarasho ee somaliland.

Barnaamijku waxa uu waafaqsan yahay mudnaanaha  ku jira qorshaha waaxda waxbarashada ee somaliland, kaas oo ka mid ah qorshaha horu marinta qaranka isla markaana ka mid ah hadafyada dhawaan la baahiyey ee loogu magac daray HADAFYADA HORU MARKA WAARA  gaar ahaan hadafka afaraad  hiigsanaya abuurida waxbarasho loo dhan yahay oo tayo leh, barnaamijkani waxa uu gacan ka gaysan doonaasidii dhidibada loogu sii aasi lahaa hanaan waxbarasho oo baahsan kaas oo laga hir gelinayey somaliland ilaa sanadkii 2012-kii.

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  oo ka hadlay furitaanka wajiga labaad ee mashruuca lagu taageerayo waxbarashada somaliland ayaa waxa uu yidhi  “Maal galinta waxbarashada caruurta iyo da’yarta macnaheedu tahay in dalkeena mustaqbal wanaagsan oo iftiimaya yeesho, sababta oo ah waxbarashadu waa ta dhista isla markaana dhisaysa mustaqbalkeena, markii aanu bilawnay barnaamijkan sadex sanadood ka hor, waxaanu sheegnay in  wax badan lagu gaadhi karo barnaamijkan, dedaalkeenu waxa uu cadayn u yahay inaynu saxsanayn,  waxaynu u baahan nahay oo kaliya ka war hayn iyo joogteyn, waxaanu uga mahad naqaynaa midawga Yurub iyo deeq bixiyayaasha kale tageerada ay u fidiyaan waxbarashada somaliland.”

 

Sidoo kale safiirka midawga Yurub u qaabilsan somaliland somaliya oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay faa,iidada mashruucan laga helayo  waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxbarashada waxay caruurta iyo dhalinyarada u diraysaa si ay u noqon lahaayeen xubno bulshada ka mid ah oo waxtar buuxa leh, waxaanay gabdhaha siinaysaa awood iyo madaxbanaanida maaliyadeed ee ay u qalmaan, dhalinyarada wajahda dhibaatooyinka uu leeyahay tahriibka sharci darada ah inay helaan fursad waxbarasho iyo tababar xirfadeed oo suuqu u baahan yahay, waa arin leh ahmiyad aad u weyn, barnaamijkan aynu maanta halkan ka bilaabaynaa waxa uu raad raadcaynayaa inuu caqabadahaas oo dhan wax ka qabto, aniga oo ku kalsoon inuu barnaamijkani heli doono taageeradiina, waxaan ku kalsoonahay inaynu ku guulaysan doono wax ka qabashadooda” ayuu yidhi safiirka midawga Yurub u qaabilsan somaliland iyo somaliiya Michele Cervone d’urso.

Sidoo kale safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Maal gelintan  cusub ee aynu ka helnay midowga yurub, fursadaha waxbarashada hoose/dhexe iyo sare-ba waa la balaadhin doonaa , macalimiin ayaa la tababari doonaa, waxaana lagu tababari doonaa machad cusub oo la dhisi doono, tashiilad cusub oo dhanka dugsiyada ahna waa la dhisi doonaa, agab waxbarasho ayaa la qaybin doonaa, dhalinyarada waxa la siin doonaa tababaro farsamo,tayada wasaarada waxbarashada kor ayaa loo qaadi doonaa, intaas uun kuma eeka, balse barnaamijka horu marinta cilmiga wajigiisa labaad waxa barbar socon doonaa barnaamij kale oo somaliya iyo somaliland laga hir gelinayo kaas oo uu maal gelinayo midowga yurub, qiimihiisun yahay 1.9 Milyan Euros oo diirada saaraya manhajka iyo imtixaanaadka.