Badhasaab Ku-xigeenka Buhoodle oo Kormeer ku soo Baray Degmooyinka Widh-widh iyo Bali-hadhac

0
106

30214Buhoodle (Waaheen) Badhsaab ku-xigeenka Gobolka Buhoodle Jaamac Dheeg Cartan ayaa Maanta Kormeer balaadhan ku soo maray Degmooyinka Bariga Buhoodle, si uu xogogaal ugu noqdo  xaalada guud ee deegankaasi, dadweynaha deegankaasi ayaa si balaadhan u soo dhaweyey iyaga oo caleemo qoyan ku soo dhaweyey Guddoomiye Ku-xigeenka.

Jaamac Dheeg Cartan kormeerkan uu ku soo maray degmooyinka Widh-widh iyo Bali-hadhac ayaa dadweynaha deegankaasi ku dhaqan  kula dardaarmay in ay nabbad Galyadooda  ilaashadan oo aanay dheg u dhigin hadal naxliga ah ee ka soo yeedhaya Cali Khaliif.

Guddoomiye Ku-xigeenku waxa kale oo uu soo maray fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ee aagaasi  isaga oo halkaasi salaan kaqa qaatay, waxaanu ku hambalyey sida heeganka ugu yihiin in ay ilaaliyaan nabbada shacabka Somaliland.