Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye oo Borama u tagay Diiwaangalinta

0
69

musharixiinBorama(Waaheen) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland isla markaana ah Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo hogaaminaya wefti balaadhan oo isugu jira Xukuumadda iyo madaxda kale ee Xisbiga Kulmiye ayaa gaadhay magaaladda Borama, halkaas oo lagu soo dhaweeyey. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa dadweynaha Reer Borama oo uu fagaare kala hadlay ku wargaliyey inay u diyaar garoobaan Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha oo Gobolka Awdal ka bilaabmi doonta Sabtida soo socota.

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha isla markaana ah musharaxa madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye ayaa dadweynaha reer Borama uga mahadnaqay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen, waxaanu sheegay in safarkoodu u muujiyey inay Reer Borama qalbi furan u hayaan Xisbiga. Badhasaabka Gobolka Awdal Ramaax iyo Maayarka degmadda Borama ayaa iyana dadweynaha iyo Madaxda Xisbigaba ku soo dhaweeyey Gobolka, waxaanay ka jawaabeen hadalo ay madax dhaqameedka iyo bulshada reer Borama u bandhigeen madaxda Kulmiye. Magaaladda Borama waxa maalmahan bas ii joogay wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo xisbiga talada dalka haya, waxaanay kulamo la yeesheen waybaha kala duwan ee bulshada iyagoo u gudbinayey farriimo is huwan oo la xidhiidha Diiwaangalinta iyo Taageerada Doorashada soo socota.