Ciidamadda Somaliland oo gudaha u galay Buuhoodle iyo dagaal habeen hore la isku waabariistay oo Gil-gilay

0
137

Waxa wadnaha farta loogu hayaa in uu dagaal ka qarxo
Buuhoodle(Waaheen) Ciidamadda Somaliland ayaa habeen hore weeraray guriga Cali Khaliif ka deganaa magaaladda Buuhoodle hase yeeshee iska hor imaad ku dhex maray ciidanka Somaliland iyo Maleeshiyadiisa ayaa sababay in uu ka baxsado goobtii uu ka deganaa magaaladda.
Dagaal dhawr saacadood socday oo u badnaa is rasaasayn ayaa magaaladda habeen hore gilgilay, waxaana ka dhashay khasaare kooban oo dhinaca gaadhay dhinaca Maleeshiyadda Cali Khaliif, iyadoo sida ay sheegteen uu ka dhaawacmay hal askari.
Dagaalka Buuhoodle ka dhacay habeen hore waxa sababay khilaaf xoogan oo ka dhashay weerar maleeshiyadda Khaatumo ku qaaday gaadhiga wasiir Xagla toosiye, taasoo jabisay is faham Madax dhaqameedka Reer Buuhoodle kaga taliyeen in aanay siyaasiyiinta labada dhinac ku hirdamin magaaladda.
Kooxda khaatumo ayaa jabisay heshiiskaasi kadib markii mid ka mid ah saraakiisha ilaalada u ahayd xagla-toosiye uu warbaahinta ka sheegay warar sababay in ay ka xanaaqaan ciidamadda xagla-toosiye ilaalada u ah.
Si kasta ha ahaatee xaaladda Buuhoodle ayaa ah mid aan daganayn, isla markaana laga filan karo in gondaha labada ciidan mar kasta dagaal ka dhex qarxi karo.