Dalkeenii Abaar Dad iyo Duunyaba Naafaysay baa ka jirta looma baahna Doorasho iyo Dwaangaline waa in loo Gurmadaa

0
45

 

Runti waxa nasiib daro ah inagoo maanta abaaro iyo aafo kujirna o an xoolo iyo dad toona ino fayoobeyn in lagu mashquulo diiwaangalin iyo olole kursi iyo boqol landcruser o la isbada dhigo, dadka la diiwaangalineya xagey joogan horta ma la isweydiiyay, runti sida aynu ula wada socon dadki iyo xoolihi ba waxay u hayaameen ila NFD ila dagaamada kililka shanad e ITOOBIYA iyo Puntland maanta ma filayo in dagaamada somaliland shacab iyo xooolo la diiwaangaliyo joogaan..

Ma sheegin diiwaangalinta magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Burco, Borama, Laascaanood iwm

Dadkeenu inta badani wa xoolo dhaqato, dagamadi xoolo dhaqatadeena lagu oga maanta ma joogaan o wa laga hayaamay dadkan la diiwaan galinaya wa ayo..ma xoolo laha bakhtiyay iyo dadka qaawan e macaluulaya aya la diiwan galinaya …

Runti waxa an odhan laha maanta maaha maalin diiwaangalin iyo doorasho loo diyaargaroobe e yaan dadka la waalin, maanta waa maalintii maatida iyo xooolaha lo gurman laha ee biyo iyo baad la gaadhsiin laha maaha maalin waraaqo iyo nin kursi doonaya dalxiis ugu tagi la iyo indho indheyn sida ay diiwaan galintu u socoto maaha

Sida runti caqliga saliimka ihi ina farayo dastoorkeenana ku xardhan dalkeeni AAFO AYA KA JIRTA ee ha la joojiyo diiwaan galinta, ha loo gurmado shacabka tabaaleysan e abaaruhu naafeeyeen..

Dib ha lo dhigo diiwaan galinta iyo doorashada ba o aafadan jirta gurmadkeedi ha la galo.

Dad iyo Xoolo toona ma noolee ya la diiwan galinaya ….

Omar Darood Hassan

Norway