Ilaaladda wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Weeraray Telefishanka Somali-chanel

0
97

 

Shaqaalaha iyo wariyayaasha Somali-chanel ayaa ku eedeeyey ciidanka wasiirka in ay u soo weerareen war telefishanku ka baahiyey

01236554 Buuhoodle(Waaheen) Ciidanka ilaalada wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ee ku sugan magaaladda Buuhoodle ayay maamulka Telefhishanka Somali-chanel ku eedeeyeen in ay shalay aroornimadii soo weerareen xafiiska Telefishankaasi ku leeyahay magaaladaasi, waxaanay soo bandhigeen rasaastii ay la dhaceen xafiiska.

Shaqaalaha iyo wariyayaasha Somali-chanel ayaa ku eedeeyey ciidanka wasiirka in ay u soo weerareen war telefishanku ka baahiyey askari ka tirsanaa ilaaladaas oo eedo usoo jeediyey wasiirka iyo ujeedada safarkiisa Buuhoodle.

Wariyayaasha ayaa sheegay in ay askartu qaadatay qalabkii xaruntaas isla markaana ay burburiyeen wixii yaalay iyagoo warbaahinta usoo bandhigay khasaaraha ay u gaysteen.

Wariye Cali Dhag-jar oo ah wakiilka Telefishanka Somali-chanel ayaa cadeeyey askarta rasaasta la dhacday inay ahaayeen ilaalada wasiirka Caafimaadka Somaliland.