Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Somaliland oo la Kulmay Madaxweynaha Hay’adda Mucaawinada ugu Weyn ee Dalka Kuwait

0
67

Kuwait (Waaheen)- Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Siciid Maxamed Faarax, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Madaxweynaha hay’adda caalamiga ah ee AXYAA TURRAATH oo laga leeyahay dalka Kuwait oo uu socdaal shaqo ku joogo.

Dr. Siciid oo safar shaqo ugu baxay waddamada Khaliijka Carabta, gaar ahaan dalalka Imaaraadka iyo Kuwait, waxa uu kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha ugu waaweyn waddamadaas ee qaabilsan gargaarka iyo caawimooyinka caalamiga ah.

sakadaGuddoomiyaha Diiwaanka Sakada Somaliland oo weyn loogu soo dhoweeyey dalka Kuwait, ayaa waxa u suurtogashay inuu kulan taariikhi ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee AXYAA TURRAATH ee dalkaas Sheekh Daariq Ciise, kaas oo ay wadahadleen arrimo ku saabsan wax-ka-qabashada xaaladda abaaraha qallafsan ee waqtigan ka taagan qaar ka mid ah degaannada waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, sii xoojinta cilaaqaad joogto ah oo dhexmara labada hay’adood iyo dardargalinta hawlaha Xafiiska Diiwaanka Sakada.

Dr. Siciid Maxamed Faarax, ayaa Madaxweynaha hay’adda AXYAA TURRAATH ee Kuwait sharraxaad ka siiyey xaaladda guud ee dalka, qaabka xafiiskiisa diiwaanka sakadu u shaqeeyo, waxyaabaha u qabsoomay iyo baahiyaha kala duwan ee u baahan in laga caawiyo Somaliland, gaar ahaan abaaraha kulul ee xilligan qaybo waddanka ka mid ah ka jira,

Waxa kaloo Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Dr. Siciid waxa uu si weyn ugu mahad-celiyey dawladda iyo shacabka dalka Kuwait oo uu ku ammaanay waxqabadka iyo waxtarka muuqda ee ay u fidiyaan bulshada Somaliland.