Deked laga Dhisayo Ceel-garde

0
223

dagadCeel-garde(Waaheen) Deked macmal ah ka samaystaan Xeebta Ceel Garde oo masaafo 35 Kiilo Mitira Dhinaca Bariga ka xigta magaalada Berbera dhismaha Dekedaas ayaa waxa hada uu laga bilaabay deegaankaas Ceel Garde Lama garanayo cida bixinaysa Kharashka dhismaha Dekedaas ku baxaya hase yeeshee waxa la bilaabay in la bilaabo carro-tuulkii laga dhigi lahaa Dekedda ay ku soo xidhan doonaan Doonyaha yar yar. waxa dhawaan goobtaas la geeyay Amiirka dalka Kuwait ee qasriyada raaxad ku leh Degmada Sheekh iyo Xeebta Galbeedka Gobolka Saaxil ee bada ku dhinac teedsan ee Xeedho.

waxa kaloo isagan dhawaan la geeyay Deegaanka Ceel garde maalqabeen udhashay dalka Isutaga imiraatka Carabta Sababta ugu weyn ee goobtaas Ceel garde loo geynayaana waxa ay tahay sidii looga qaadi lahaa lacag badan oo lagu hirgaliyo dhismaha Dekedaas Ganacsato iyo Kalluumaysato ka soo jeeda deegaankaasi oo ku hawlan sidii loo hirgalin lahaa dekeddaas ayaa bilaabay qorshe ay dhaqaale ugu ururinayaan mashruucan lagu dhisayo dekedda, iyadoo deegaanka Ceel-garde yahay goob ku haboon in deked laga dhiso.

Shirkaddo hore ayaa isku dayay qorshahan kuwaas oo ku bixiyey dhaqaale farabadan balse markii danbe tahli kari waayey inay ka idho dhaliyaan. Dadka ka soo jeeda deegaamada xeebaha ah ayaa naawilaya inay dib ugu noqdaan dhulka ay degi jireen si ay nolol iyo ganacsi uga raadsadaan, waxaanay arrintani horseedi doontaa haddii ay suurtogasho in deegaamada kale na laga samayn doono dekeddo kale.