Alshabaab oo Marka ka qabsatay ciidamadda Amisom iyo kuwa Somaliya, Saraakiil kale-na ku dishay Qaraxyo ay u dhigtay

0
36

Qaraxyadaasi ayaa waxa ku dhintay Ciidamo iyo Dad shacab ah

Marka(Waaheen) Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shallay waxa la wareegay  ururka Alshabaab ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay halkaasi ka baxeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in magaalada ay Al-Shabaab galeen isla markaasina ay fadhiisimo ka samaysteen iyaga oo ka taagay calankooda, Sida ay wararku sheegayaan wax dagaal ah kamu dhicin magaalada.

Dhanka kale  ururka Al-shabab ayaa Weerar ku qaaday Kolonyo Gadiid ah dagaal oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Milliteriga Somaliya  Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu ka dhacay  Duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh.Dhexe.

Qaraxaasi ayaa burburiyay qaar kamid ah Gaadiidka Dagaalka waxaana jiraKhasaare  dhimasho iyo dhaawac ah oo halkaasi ka dhashay.

Qaraxa xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay Degaanka Soodeey, waxaana Qaraxa kadib halkaasi gaadhay ciidamo kale oo ka tirsan Milliteriga Somaliya  oo halkaasi ka daad-gureeyay Saraakiisha iyo Askarta ku waxyeeloobmay Qaraxa.

Saraakiisha Qaraxa ku dhimatay oo ahaa 5 ayaa waxaa kamid ahaa Sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Xasan, halka mid kale oo isna magaciisa lagu soo koobay Dacyeey uu ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Maamulka Degmada Mahadaay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxaasi uu jiro isla markaana ay wadaan baadhitaano ku aadan.

Dhanka kale  Qarax lagu soo xidhay baabuurta  nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaadhigaasi  la qarxiyay ayaa la sheegayaa inuu lahaa Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamuud Macoow.

Gaadhigan Saarkaalkaani ayaa qarxay xili uu banaanka ka taagnaa Sarkaalku waxaana Qaraxaasi kasoo gaadhay dhaawac fudud.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday nin  xiligaasi ku dhex jiray gaadhiga oo lagu magacaabi jiray Xasan Cadde.