Xukuumadda Somaliland oo Maanta u fasaxday Diyaarado yar yar inay u Daad-gureeyaan Muqdisho Rakaabkii reer Xamarka ahaa

0
96

01475Muqdisho(Waaheen) Diyaaradihii Caalamiga ahaa ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalad Muqdisho dagi jiray ayaa intooda badan shalay  baaqdeen, kaddib qarax Doraad ka dhex dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Airlines, taasoo baaritaankeeda uu weli socdo.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradda Turkish Airlines oo joogto u imaan jirtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho maalin kasta ayaan iman saddexdii casho ee lasoo dhaafay, iyadoo aan la ogeyn sababta ay Duullimaadyadii ay maalin walba ku imaan jirtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho u joojisay.

Sidoo kale, Wararka intaas ku daraya in diyaaraddii Daallo Airlines ee doraad uu ka dhacay Qaraxa ay wadday 74-rakaab ah oo ay Muqdisho ka qaadi lahayd Qaadi lahayd Diyaaradda Turkish Airlines, Taasoo la sheegay inay Jabuuti kasii qaadi lahayd, iyadoo Mas’uuliyiinta Duulista Hawada ee Dowladda Somalia ayaa Xusay inaysan ogeyn sababta ay Muqdisho u iman weyday Turkish Airlines dhowrkii maalmood ee u dambeeyay.

Agaasimaha  Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Duulista Somalia, C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanno ku saabsan shilkii doraad qabsaday diyaaraddii Daallo Airlines, muddo dhowna ay soo saarayaan warbixin ku saabsan shilkii dhacay.

 

Waxaa kaloo wararku ay sheegayaan in baadhitaanka shilkan ay wadaan khuburo dawladda Somaliya ka tirsan iyo hay’adaha dhanka ammaanka ka shaqeeya, iyadooo baadhitaanka lagu sameynayo diyaaradda, qofkii ka dhacay iyo weliba waxyaabo kale oo la xidhiidha baadhista.

Diyaaradaha aan shalay soo cago-dhigan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah; Jubba Airweys, marka laga reebo Diyaarad yar oo ka Timid Hargeysa, Diyaaradda Daallo Airlines iyo diyaarado kale, laakiin waxaa timid diyaaradda 540 oo ka mid ah kuwa caalamiga ah.

Inkastoo hay’adaha amniga Soomaaliya aysan weli kasoo saarin warbixin dhameystiran Shilkii ka dhacay Gudaha Diyaaradaha Daallo Airlines ee dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan inuu ahaa shilku uu ahaa mid qarax ah oo gudaha diyaaradda ka dhacay.

Ugu dambeyn, Ruux ka dhacay Diyaaradda oo Rakaabka ka mid ahaa ayaa laga soo helay Meydkiisa meel ku dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasoo la sheegay inuu Fadhiyay Qaybta uu Qaraxu ka dhacay, Waxaana Meydkiisa lasoo Gaarsiiyay Muqdisho.