Baashe Maxamed Faarax oo soo dhaweeyey Go’aan kii ay Somalilay ku joojisay Duulimaadyada Somaliland

0
76

Hargeysa(Waaheen) Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa uu ka Hadley go,aanka ay dawlada Somaliya ku xayirtey isku socodka dhinaca hawda ee u dhaxeeyey Labada Dal

Baashe

Baashe Maxamed Faarax waa uu soo dhaweeyey arintaasi waxaana uu sheegay in aanay arintaasi Somaliland waxba u dhami Karin balse ay tahay ictiraaf ay dawlada Somaliya u fidisay Somaliland .

Sidoo kalana waxaa uu gudoomiye ku xigeenku soo jeediyey in hore loo soo dhigo ama loo soo qadimo wakhtiga ay amarkaasi la dhaqan galinaayo oo ay dawlada Somaliya sheegtey in ay tahay 20 bishan isla markaana waxa uu soo jeediyey in laha dhigo 10 bishan waxaana uu yidhi”

“Wax dhib ah oo Somaliland ugu jiraa ma jiraan waxaana aan soo jeedin lahaa arintaasi waa ictiraaf hortii Geefow hadaladii uu ku hadlaayey waxaa weeye oo u yidhi diyaaraduhu waa in ay local noqdaan ama waa international noqdaan markaa diyaaradaha inoo dhaxeeya waa heer caalami , laba dal oo walaalo ah oo daris ah beynu nahay hadii aanay iyagu rabin wax faa,ido ah oo awal inoogu jiray ma jiraan dadkeenuna xamar mey aadi jirin ee iyaga ayaa iman jiray halkan waxaana aan soo jeedinayaa bisha 20 keedu wey fogtaye in la soo qadimo oo laga dhigo bisha 10 keeda wakhtiga uu amarkaasi dhaqan galaayo “ ayuu Yidhi gudoomiye Baashe Maxamed Faarax .

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “ Dadka ganacsatada ahi waa ay yaqaanan meesha ay marayaan wadooyinka ayey marayaan markaan waxaan soo jedinayaa in la soo qadimo oo laga dhigo wakhtiga diyaaradaha la xidhayo bisha 10 keeda xidhitaanka hawadana Somaliland wax dhibaato ahi ugma jirto waagii wada hadalkana iyaga ayaa codsan jiray in la isku furo isku socdo arintaasna waa in buun buuniska laga daayo “ ayuu hadalkiisi ku soo gabo gabeeyey gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax