Nuxurka Wadahadalo u Bilaamay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ee Waddani iyo Madasha Watashiga

0
73

Labada Dhinac ayaa waxay  ka wadahadleen sidii ay isku bahaysan lahayeen una midayn lahaayen Siyaasadooda

madasha iyo mucaridkaHargeysa(Waaheen) Kulamo aanay wali natiijo ka soo bixin ayaa la sheegay in maalmihii u danbeyey uu u socday Masuuliyiin Xisbiga Mucaaridka ee Waddani iyo Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka. Kulamadan oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay labbada dhinac ka wadahadleen Xaalada Siyaasadeed ee waddanku marayo iyo Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan Sannadka danbe. Wararkan oo aanu ka helnay ilo xogogaal ayaa intaasi ku daray in Dalabka kulankan uu lahaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro waxana dhinac Madasha wadatashiga kulankaasi u matalayey Xubno baddan oo uu  hogaaminayey Guddoomiye Xassan Guure. Labada Dhinac ayaa waxa kale oo ay ka wadahadleen sidii ay isku bahaysan layeen una midayn lahaayeen Siyaasadooda, inkasta oo la sheegay in Guddoomiye Cirro uu ka dalbaday Madasha in ay ku sooo biiran Xisbiga Waddani, balse waxa la tilmaamay in iyaguna Shurudo ay hor dhigeen, shurudahaasi oo u badnaa Nooca Xilal ee laga siindoono xisbigaasi, waxana labbada dhinaca saareen Guddi arrimahaasi isla soo eega, waxana laga dhursugidoona waxa ay soo saran gudidaasi.