Sheekh Maxamed Idiris Oo Ka Hadlay Rukuucdii Madaxweynaha Soomaaliya ee Maydka Ciidamada Kenya

0
97

Hargeysa(Waaheen) Sheekha caanka ah ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay Sawir laga soo qaadday madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo u rukuucaya ama se u sujuudaya Maydka  Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-cadde Al-shabaab ku laayeen. Sheekh Maxamed idiris ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ka codsaday in uu shacabka u caddeeyo sababta uu falkaasi ugu kacay, maadaama uu yahay madaxweyne dal muslim ah isagana loo ogaa islaamnimo. Haddaba, qoraal kooban oo uu Sheekhu arrintaasi kaga hadlay oo uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka Bulshada ee facebook-ga ayaa u dhignaa sidan: Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay! Waxaa baraha xidhiidhka bulshada ilaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad Sujuud ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!! Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaasho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqankooda, sidaa awgeed wexey dadku is weydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa kasoo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa? Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay? Xagga xukunka arrinka, Culimada islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo sujuudo iney xaaraan maqdaca tahay, wexeyse isku khilaafeen: ma lagu gaaloobayaa mise maya? Qaarkood sida Culimada Xanafiyada wexey qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan, Culimada qaarna wexey qabaan hadii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo hadii kalena dembi weyn tahay. Sidey noqotaba waa arrin culus oo tilmama badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur.