Madaxda Somaliya oo ku heshiin waayey Qorshihii Qaramada Midoobay ee Doorashooyinka 2016-ka iyo Wakiila Qaramada Midoobay oo culays ku saaraya

0
73

Muqdisho(Waaheen) War laga helay Xarunta madaxtooyada Somaliya, ayaa sheegaya in kulan ka dhacay uu kusoo dhamaaday Fashil, kadib markii ay isku mari waayeen Madaxweynaha Somaliya iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Somaliya oo uu wehelinayo wakiilka Qaramada midoobay ee Somaliya.

Kulanka oo ahaa mid socday ku dhawaad laba saacadood ayaa waxaa looga arrinsanayey Aayaha Somaliya iyo nooca ay noqon doonto doorashada la filayo inay ka dhacdo Somaliya.

Shirka ayaa waxaa ku dhamaa Madaxda DFS, Gobollada iyo kuwa Beesha Caalmaka, waxa uuna Isfahan la’aan kadib uu shirkaasi kusoo biyo shubtay Fashil kadib markii Madaxweyne Xassan uu sheegay inaanu ka tanaasuli doonin nidaamka 4.5. Madaxweyne Xassan ayaa kulanka shalay oo ahaa mid daba socday kulan doraad dhacay ka sheegay in lama huraan ay tahay in mudada uu xilka hayo dalka Somaliya lagu shaqeeyo Nidaamka 4.5, waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamulada dalka looga baahan yahay inay ku soo dabafaylaan Dowlada Somaliya oo aanay isku dayin inay hagaan Dowlada.

Xassan waxa uu sidoo kale, shirka ka cadeeyay in Xildhibaanada iman doona lagu soo xuli doono 4.5, islamarkaana aanu aqoonsaneyn wax la yidhaahdo deegaan. Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Mr Michael Keating, ayaa isna dhankiisa ka sheegay in Madaxweyne Xassan uu isku dayayo inuu afka dhulka u daro rajada Somaliya, waxa uuna cadeeyay in Beesha Caalamka aanay aqbali doonin rabitaanka cid gaar ah.

Hadalka Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa soo dadajiyay in Wakiilka QM Michael Keating iyo Xubno uu hogaaminayey ay isaga kaceen kulanka kadib markii ay aad uga cadhooden habdhaqanka Madaxweyne Xassan iyo kuwa Maamulada dalka. Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in fashilka shirka uu sabab u ahaa Madxaweyne Xassan Sheekh oo isagu wali ku adkeysanaya qodobo ay kamid yihiin in dalka uu kasii shaqeeyo nidaamka 4.5