Dilalka Ciidanka Qaranka Dhexdooda oo soo Badanaya iyo Askari Dhaawacay Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Cadaadlay

0
93

Gudidii loo saaray baadhida sababta Dilalka Ciidanka Dhexdooda keenta oo aan Bulshada u soo Bandhigin

Hargeysa(Waaheen) Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa toogtay mid ka mid ah saraakiishooda oo lagu magacaabo Kabtan  Cabdi Axmed Jaamac (Cabdi Jabane). Kabtan  Cabdi Axmed Jaamac oo ka mid ah saraakiisha ciidanka qaranka somaliland islamarkaana ahaa saraakiisha haysta ciidanka kamaandooska ee cadaadlay lama garanayo ilaa hadda sababta keentay in askarigani toogto sarkaalkan. Xaaladiisa caafimad ee sarkaalkan la toogtay ayaa aad u liidata.

Dilalka ka dhex dhaca Ciidamada qaranka ayaa shacab Somaliland is waydiinayaan sababta keenta iyada oo hore u jirtay Guddi loo saaray baadhida Dilalkaasi in kasta oo aan la ogeyn halkii ay ku danbeysay gudidaasi.