Dhalinyarada Beesha Sacad yoonis oo Sheegay in Taageero weyn u hayan Xildhiban Bukhaari

0
78

SanjayHargeysa(Waaheen) Dhalinyarada ururka Bancade iyo Karamaan oo ay ku bahoobeen Dhlinyarada beesha Sacad yoonis ayaa jawaab ka bixiyey war lidi ku ah xildhiban bukhaari oo warbaahinta lagu daabacay.

Qoraal ay Wargeyska Waaheen soo gaadhsiiyeen ayaa waxa ay kaga hadleen arrintaasi waxanu u dhignaa siddan “Anagoo ah hogaanka sare ee ururka dhalin yarada bancade iyo karamaan ee ay ku bahoobeen guud ahaanba dhallin yarada beesha   sacad yoonis,waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanan habayarate jirin wax aanu kalsoonidii kala noqonay xildhibaan Saleebaan Cawed Cali, {Bukhaari}. warkaa hore ee kusoo baxay jaraa’idada, iyo websites ee sheegaya in dhalin yaradii beesha sacad yoonis kala noqotay kalsoonidii xildhibaankana ay been aan sal iyo raad toona lahayn tahay islamarkaana cida warkaa baahisay aanu katirsanayn hogaanka sare ee dhalin yarada . ninkaa maqaalka soosaaray oo lagu magacaabay yuusuf saalax cawed  isla markaana xubnaha kale ee uu sheegay wax ba kamajiraan yihiin ahayna xilka gudoomiye ee uu sheegtay.waxa taa ku lamaan inaan xildhibaanku ahayn waxyaabaha laga qoray isla markaana yahay nin laga soo doortay deegaanka  gobolka sanaag yahayna xildhibaan wax uqabtay dhalinta, iyo guud ahaanba dadkii soo doortay marwalbana hawlaha loo igmado si hagar la aana uga soo baxa. waxa maqaalkan laga soosaaray xafiiska guud ee ururuka dhalinyarada bancade iyo karamaan  ee beesha sacad yoonis.

Waxana soosaaray maqaalkan hogaanka sare ee ururka dhalin yarada bancade iyo karamaan

1.Gudoomiye: Mursal Cawil Jaamac

2.Gudoomiye ku xigeen:  Axmed Maxamed Axmed

3.Xoghayaha fulinta: Yuusuf Cali Xaaji

4.Agaasimaha fulinta: Axmed Nuux Cabdi raxmaan

5.Khasnajiga  Siciid Maxamed Salad Huruuse