Guddoomiyaha Guurtida oo Cali Khaliif ugu Baaqay in uu Joojiyo Colaada uu Buhoodle ka Hurinaayo, Kana Hadlay Maceeshada Qaaliyowday

0
101

Saleebaan-Maxamuud-Aadan

 

“Cali khaaliif iyo Ciidi uu waato waynu iska celin laakiin dadweynuhu  waa dadkeeni” Saleeban

 

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan (Saleeban Nuur) Ayaa ka hadlay Xaalada Gobolka Buhoodle oo muddooyinkii ugu danbeyey Xiisad Colaadeed ka jirtay ka dib markii uu deegankaasi uu soo galay Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban oo warbaahintu wax ka waydiisay sida uu u arko Falalka uu Cali Khalaafi uu ka waddo Buhoodle ayaa waxa uu sheegay in Cali Khaliif layska Celindoono haddii uu joojin waayo Colaad uu deegankaasi uu ka hurinayo.“Cali khaaliif iyo Ciidi uu wato waynu iska celin laakiin dadweynaha waa dadkeeni”Ayuu yidhi Guddoomiye Saleeban. Waxa kale oo uu ka hadlay Sicirbararka dalka ka jira dalka isaga oo Ganacsatada kala duwan ee Somaliland ugu baaqay in ay shacabkooda u naxariistan oo ay Qiimaha jabiyaan mar haddii hoos u dhacay Dollarku. “Maceeshada oo Jabta ayaa Fiican laakiin Dollarka suuqa jabiya, durba kor ayuu u kacaybaa la yidhi, marka haddii dollarkii hoos u dhacay wixii wax lagu soo iibinayeyna waa Dollar marka waa in ay Buc-sharaduna la dhacdo”Ayuu yidhi. Waxa kale oo uu ka hadlay Xaallada Abaareed ee dalka ka jirta waxanu yeeshay in dalka ay ka jirto abaaro xumi isla markana fiican tahay in la garab istaago Gudidii uu madaxweynuhu u xil saaray Abaaraha.