“ Waxaan idiin Shegayaa Maalintii la Sameeyay Ciidankii Koodbur ayaa Somaliland la Xoreeyay”Mujaahid Ooto Biix

0
90

oto biixiHargeysa(Waaheen)Mujaahid Ooti Biixi Caalin  oo kamid ahaa mujaahidintii SNM ee Halgankii Dheeraa usoo gashay dib uxorayntii somaliland ayaa maanta mar uu ka hadlayay xafladenii soo dhawaynta hayd ee  Xisbiga wadani u sameeyeen Beesha Cabdalle Arab ee degta gobolka togdheer aya waxa uu ka dhawaaajiyay in xisbiga wadani yahay xisbiga kaliya ee midayn kara bulshada Somaliland, isagoona carabka ku dhuftay inuu aad ugu farxsaan yahay in beesha Cabdalle Arab kusoo biiraan xisbiga wadani.

Sidoo kalena waxa uu mujaahidku sheegay in bulshada reer Somaliland ku hungowday xukumada madaxwayne siilaanyo isagoona mujaahid Ooto Biixi Cabdi Arimahaa iyo arimo kaleba ka hadlaya ayaa waxa kamid ahaa sida tani.

“Waxaan idiin Shegayaa Maalintii la Sameyay Ciidankii Koodbur ayaa Somaliland la Xoreyay Waxaan idiin Cadaynayaa Ciidankii Koodburna waxay ahayeen Arab iyo Garxajis,Ragii 24 Sano Garxajis iyo Arab Kala ilaalinayay Waxaan Leeyahay darbigii Waanu Jabinay Waa Darbigii Barlin Wuu Dumay ku Quus-Qaata,Cid u Heshiin Mayno Ee lakiin Midnamada isaaqa ayaa ku Jirta inay Midobaan Arab iyo Garxajis,Anigu Waxan Aaminsanahay in Xisbiga Wadani Yahay Xisbiga Kaliye Ee Midayn-Kara Bulshada Reer Somaliland ku hungoobeen doorashadii la doortay madaxwayne Siilaanyo ayna xukuumadiisu ku fashilantay Hogaaminta talada dalka, waxaan leeyahay bulshada somaliland Xisbiga Wadani aynu doorano” Ayuu Yidhi Mujaahid Ooto Biixi Caalin.

SI kastaba ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhaya mujaahid Ooto Bixii Caalin ayaa kusoo beegmaya xili ay maanta masuuliyinta xisbiga magaalada Burco ugu sameeyeen xaflad soo dhawayna Beesha Cabdalle Arab ee degta gobolka togdheer.