HADALADA REER YURUB HADALKA ILAAHAYBAA KA HOREEYEE HA LAWADO QISAASTA (W/Q cabdi cawiye)

0
77

 

Marka hore waxaan bogaadin u dirayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudan AXMED SIILAANYO iyo gudoomiyaha maxkamada sare iyo inta sharciga sida fiican uga shaqaysa oon leeyahay waad ku mahadsan tihiin waxa fiican ee aad qabateen.

Maalmahan dambe waxa saxaafada caalamku ay qaadaa dhigayeen dilkii qisaasta ahaa ee laga fuliyey oo ay u dhigeen reer yurub dil xasuuqa iyadoo ay taasi jirto ayaa hada lagu dhiiraday inaan la joojin ee la wado oo shalay la fuliyey qisaas kale.

Waana goaan taariikhiya oo ay xukuumada madaxweyne siilaanyo ku kacday. Waan mid loo xasuusnaan doono waayo waa madaxweynihii ugu horeyey ee aan hadalada reer yurub dhag u dhigin waan sidii aanu ka filayney ee aanaan ka helin xukuumadii hore oo aan wax qisaasa fulin.

Inta badan dalalka yar yare e sideena oo kale ahi waxay daba fadhiistaan hadalada reer yurub.

Lkn xukuumada siilaanyo way ku dhiiratay arikaa waana mid aanu ka eegaynay in badan

Reer yurub waxay la qaylinayaan waa inaynu raacno jidkooda

Waxa layna soo galiyey

BAANANKII RIBADA

QISAASTA OO LA DIIDO

Iyo waxyaabo kale oo badan waana aynu wada diidney koley gaaladu waxay eegtaan dadka sharciga alle sida saxda ah u qaata waana ay ka jawaabayaan waxaa xun ee aynu diidney weyna ina daba galayaan oo waa caadadooda ee inagu waxaynu ku dhaqmaynaa sharciga alle

ABWAAN MAXAMED DABEYL (XIGMAAWI) AYAA ISAGOO KA HADLAAYA NIDAAMKA GAALADA IYO SIDA AY UGU GAATIFAYAAN NINKII WAX QABSADA YIDHI

ISAGOO KA HADLAYAA WADCIGA MAANTA TAAGAN WUXUU YIDHI

Iga gura haddii aan godladay yaanan gaagixine.

Gellebiyada Boqorrada sitaa gollofka daayacaye.

Amiirada garbaha weyn lehbaa gabay halkoodiiye.

Iyagaa gabbood laga dhigtoo layga soo galaye

Guddintuba ma goyseen dhiraha mana garaacdeene

Haddaan daabku ina geed ahayn kuma gargaarteene

Waxaan Gaal madoow iyo mid cadi giirka kicinaayo.

Geyigii islaamkoo dhan bay gaadhka ka hayaane

Halka Godan biyuhu way dhacaan oo ku gororaane.

Diintaa la gibil saarayaa loo golleeyahaye.

Farta waxay ku godayaan ninkii gudaya tawxiide

Geeska Afrikana waa kuwaa gebagebaynaaya.

Ka gundheer wadaaddaa gudbaan daba gelaynaaye

Ka gundheer waxaan daba socdaa goosankii hadhaye

Ka gundheer ujeeddadu Ciraaq dhiigga galacleeyey

Godob baa Sunniyo Shiicadii laysu geli waayey

Gaastiyo batroolkay dhurteen ceelashay gudhine’

Galaan ay daraan iyo markay goror ka waayaanna

Ged kalay u diga roganayaan giinka loo dhigiye.

Yuhuudday u gogol xaadhayaan lay gilgilayaaye

Waxaa loo Gardaadshaa sidii gaban caruurreede

Gardarroo dhan baa lala og yahay garab istaagaane

Garaw shiinyo lagu siinayaa oo gelbinyaane.

Geddoodkaygu waa dhaw yahoo guusha waw hadhiye

Golihii ammaankay dhigteen nimay gadh jiidaane.

Gabbaan bay u dhiibtaan nimay gedo yaqaanniine

Afar baan ka gaw siinayaa gabayadaydiiye

Geeraaradii aan ka hadhay way igu gaaxdeene

Iga gura haddii aan godladay yaanan gaagixine.

Guutooyinkaa Bariga dhexe gurungurcaynaaya

Gurmadkay is gaadhsiinayaan ciidamada gaydhan

Gacankaa Kuweyt iyo ilaa gaanka Falastiinba

Gasa iyo Ramaalliyo intaa gobolka Shaam oo dhan

Iiraan inay gelelefaan geeshka lagu saaro

Waa waxay la soo guuxayaan loo gabbanayaaye

Miyeydaan galiilyoon dadyahaw gumaro weeyaane.

 

QALINKII CABDI CAAWIYE ISMACIL GUNT-GAAB

+252634115877