Gabay baroor diiq ah

0
266

Gabaygan waxa tiriyay maxamed daahir xasan oo ku magac dheer indhayare waxaanu hal-abuurku gabaygan ka tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timi abwaankii waynaa ee cali sugule cigaal [dun carbeed] oo ku geeryooday dalka isku taga emeeraadka carabta geeridaas oo ahayd mid laga wada dareemay gayiga ay soomaalidu dagto ayaa waxa uu hal-abuurku yidhi=-

Dhawaaqbaa isoo gaadhay weedhsamoow aan la dhiidhiyaye

Oo waan dhalalow-sanoo hurdo dhaban maan saarine

Oo sidaan dhalaan ahaybay ilmo iga soo dhagac tidhee

Oo caanihii geela iyo ma dhabin dhuuni liqliqideede

Oo dhulku siduu u dhamaa lug iyo baabacaan dhigee

Oo murugo aan dhamaanbaa dhabarka lay saaree

Oo dadkoo dhami kulaylabaan anigu dhaxamoonayaaye

Oo nimaan dhiiranaybaa war urugeed igu dhag siiyaye

Oo dhimashadii calibay sheegeen iyo duni dhaqaaqiisiiye

 

Guumaystuhu hashuu naga dhacee nagu dhibaaateeyay

Dhib iyo shido hashuu nagu badee cidi ka dhaabi wayday

Abwaankii u dhabar adaygee suugaan kaga soo dhiciyay

Midnimadii bohoshiyo ku dhacday dhidarka hoostiisa

Ee sumaca dheeriyo madfaca dhawda layskaga saaray

Abwaankii dhaantada u tumee hadana ka dhaqaaqay

Gobanimadaydii dhacantee banka lagu dhex aasay

Ee dhufayska lagu weeraree nabarada lagu dhigay

Abwaankii dhexda u xidhee dhoqso iigu soo celiyay

Qarankaygii dhuuxiyo shubmeen dhiiga halbowluhu

Ee laf dhabarta hoosiyo jabeen dhildhilada gacmuhu

Abwaankii labanka ku dhisee dhagaxa ku adkeeyay

Haduu manta dhintoo dunidaiyo koonkii ka dhaqaaqay

Geesi dhamaysabaa ka baxay nageeyoow dhexdeeniiye

 

dab iyo dhagax lays kuma dhufto abwaankii I yidhi

ee waanada ii laba-dhaabee hormuud dhiibsan ii ahaa

ee dhaqankaygii suubanaa iyo dhulkaygii I baray

ee dhaqashada xoolaha iyo geela igu dhaada siiyay

haduu maanta dhintoo dunidaiyo koonkii ka dhaqaaqay

laybareeri dhamaysabaa ka baxay nageeyoow dhexdeeniiye

 

Inaan afkayga hooyo dhawrto abwaankii igu dhiirigaliyay

Ee dhalanteed ku tilmaamay afkii dheemanka loo haystay

Ee intuu dhaqaaqi karaayay hidaha soomaali dhawray

Ee aan dhuuman jirin marka runta laga dhab sheegaayo

Haduu maanta dhintoo dunidaiyo koonkii ka dhaqaaqay

Abwaan dhamaysabaaa ka baxay nageeyoow dhexdeeniiye

 

Dadkiisa dhibaataysan abwaankii aan dhinac mari-jirin

Ee wuxuu dhaqaale lahaa masaakiinta dhuuni u siiyay

Ee aan waligii dhalaankiyo dhibin waayeelka duqoobay

Ee tix galinta dheer ku lahaa bulshada dhexdeeda

Haduu manta dhintoo dunidaiyo koonkii ka dhaqaaqay

Deeqsi dhamaysabaa ka baxay nageeyoow dhexdeeniiye

 

Abwaankii dhalinta wilwilada iyo botarka la dheelaayay

Ee haasaawaha dhaadheeriyo kaftanka ku dhex tuuraayay

Ee aan waligii dhabankiisa kibir xumaan laga dheehan

Ee dhool ka qosolkiyo lahaa dheeg qurux wanaaga

Haduu maanta dhintoo dunidaiyo koonkii ka dhaqaaqay

Dad-yaqaan dhamaysabaa kabaxay nageeyoow dhexdeeniiye

 

Waxba yaanan maansadaiyo dheerayn dhawaaqa tixeede

Allihii cirkaa dheer taagee udub ku dhex qabanoow

Allihii dhulkaa balaadhan buur dhinac ka saaroow

Allihii badaa dhanaan kallunn ku dhex beeroow

Allihii bini-aadam dhamaantii dhoobo ka abuuroow

Allaha waaxidkee la dhalinee cidna aan dhalinoow

Allah qudhaanjo dhegax ku nool dhuunigeeda siiyoow

Allah qafuurkee dunuubtaan ku dhacno naga dhaafoow

Allaha masaakiin dhiban dhibaatada ka qaadoow

Allaha qaaruuniyo dhaqaalihiisii dhulka la gooyayoow

Allaha dhagar qabihii fircoon bada ku dhex halaagoow

Allaha nabruud dhegtiisii kaneeco dhuuban ku diloow

Allaha qoomkii dhibta badnaa dheeftooda gooyoow

Adigaan dharaartan maanta magan dhab kuu ahee

Allow dhawaaqaan wadiyo ducadayda dhagaysoo

Cali sugule dhibta cadaabtiyo ka ilaali dhamaca naareed