Khilaafka u Dhexeya Ganacsatada Berbera Wax kala Dega iyo Maareeyaha Dekedda Berbera oo Cirka Isku Sii Shareeray.

0
80

Dekeda Berbera oo aan toddobaad shaqayn iyo  Ganacsatada oo  wali ku adkaysanaysa inaanay u hogaansamin cashuurtii uu ku soo rogay Maareeyaha Dekedu

Berbera(Waaheen) Ganacsatada Somaliland ayaa wali ku adkaysanaysa inaanay u hogaansamin cashuurtii uu ku soo rogay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor, waxaana wali ka dhex jira labada dhinac is mari waa aad u adag oo aan hore loo arag. Shirar iska soo horjeeda iyo kuwo aan guul laga gaadhin ayaa labada dhinac ku dhex maray Berbera iyo Hargeysa, waxaanay u muuqdaan kuwo kala taagan laba dhinac oo kala fog oo u baahan inay Dawladda Dhexe soo faragaliso. Xaaladda Dekedda Berbera ayaa u muuqata meel aanay gabi ahaanba wax shaqo ahi ka socon, isla markaana wax buux dhaafiyey barxada Dekeda alaabihii ka soo dagay oo aan toddobaadkii u danbeeyey shalfad lagala soo bixin. Ganacsatada Somaliland ayaa wali taagan inaanay aqbalin tacriifada Dekedda, halka la hadal hayo in uu Cali Xoor xoor ka soo dagay halkii hore isla markaana uu ogol yahay in wadahadal laga sameey qiimaha, balse ganacsatada ayaa ka biyo diiday soo jeedintiisa. Dekedda Berbera oo ah halbawlaha dhaqaalaha Somaliland ayay soo food saartay xaaladdii ugu adkayd, waana markii ugu horaysay ee ay ganacsatada Somaliland mawqif midaysan ka qaadato inay ka hor timaado go’aan ay ku tilmaameen in uu yahay kii ugu adkaa ee uu maareeyaha Dekeddu kula kaco badeecadahooda. Ganacsatada Somaliland oo kaashanaya Rugta Ganacsiga ayaa Dacwad ka dhan ah Tacriifada lagu kordiyey u gudbiyey xukuumadda Dhexe, waxaana la filayaa maalmaha soo socda in xal laga gaadhi doono is mari waaga ka jira Dekeda Berbera iyo Badeecadaha buux dhaafiyey ee ay ganacsatadu la soo bixi weyday.