Mahadhadii Abwaan Qaasim Qaybtii Labaad W/Q: Cabdiwaab Toox yare

0
434

Abwaan Qaasim sidaynu soo sheegnay wuxuu ahaa Abwaan ku caanbaxay murti dhagax gala waxaana aynu qormadeenan qayb ka mida oo kooban ku soo qaadan doonaa siduu ugu baxay magaca abwaan qaasim,iyo abwaanadii iyo dadkii taariikhada abwaanka wax ka yaqaanay waxayaabahay ku siyeefiyeen iyo suugaantii abwaankaba.

Abwaan Qaasim alle haw naxariistee wuxuu ahaa shakhsiyad ku wanagsanaa xaga tacliinta isagoo sidaynu hore u soo sheegnay dugsiga Axmed Gurey ka galay waxabarashadiisii u horaysay isagoo waayadaasi ka yimi miyiga,isla maalintii u horaysay ee la qoray ayaa waxaa  macalinkiisii waydiiyay magaciisa,waxana dhacday abwaanku halkuu ka odhan lahaa Axmed Ismaaciil Diiriye uu ku cel celiyay magaca “Qaasim”,waxaana isla malaantaas magacaasi uu ka raacay halkaas iyadoo markii dambena uu ku caanbaxay Abwaan Qaasim.

Sidoo kale Abwaan Qaasim waxaa uu waxbarashadiisii intaanu ku soo noqon wadanka ku dhamasytay magaalada Cadan oo waagaas aad loo tegi jiray, Qaasim wuxuu intaa ku darsaday xulashada abbaartii uu ka maansoonayay ee siyaasad, dhaqan, falsafad iyo kaftanba lahayd, aqoon fiican oo hodan ah ayuu u lahaa dalka iyo dadka,waxaana uu ka shaqa galay goobo badan oo ka mida dawlada.

Maxay abwaniintu ka yidhaahdeen abwaan qaasim.

Abwaaniin badan iyo suugaanyahano badan ayaa wax ka sheegay sifadii Abwaan Qaasim waxaana abwanadaasi mid kastaaba tilmaamay wanaaga uu lahaa abwaanku waxaynu ka xusi doonaa midh iyo laba.

Abwaan Hadraawi:”Abwaan Qaasim wuxuu ahaa abwaan ku sifoobay daacadnimo,karti iyo isagoo aan marnaba ka gabban jirin waxa uu doonayo ama uu diidanyahay, waxaana marwalba uu ka hadli jiray dawladaha dhacay waxay ku guul daraysteen,isla markaasna abwaanku wuxuu soo dhawyn jiray dawlad kasta oo timaado isagoo yididiilo iyo rajo ka muujin jiray inay wuxuun qaban doonto”.

Boobe Yuusuf Ducaale: “Axmed Ismaaciil Diiriye oo Qaasim loo yaqaanay raad aan abid-tirmayn oo fan iyo farshaxanba cokan ayuu kaga tegay suugaanta Soomaaliyeed. Qaasim naxariistii janno illaahay ha ka waraabiyo’e, suugaan hodan ah oo dibad iyo gudeba maaxday oo hadaaq iyo hal-haysba u noqotay ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ayuu inooga tegay. Qaasim xilli tusmadiisa iyo tilmaantiisaba lahaa ayuu kaga beegmay suugaanta Soomaaliyeed, wuxuuna gabyayey xilli kala guur ahaa oo laga soo gudbayay suugaantii qabaliga ahayd, loona soo gudbayay suuugaantii dareen-dhalinta, guubaabinta iyo xornimo doonka ahayd ee lagu baadi-goobayay suugaantii dalalkii Soomaaliyeed ee gumeysigu qaybiyey, waxaanu gabyayay xilli gabaygu baadi-sooc ahaa miyiga iyo dadka baadiyaha ku dhaqan oo aanu meel ku lahayn magaalada, xilli reer magaalku maansada u haysteen wax loo nisbeeyo dadka danbeeya ee baadiyaha ku nool, xilli guud ahaanba marka aad fanka eegto ay reer magaalku ku koobnaayeen iyo masraxii xilliyadaa curanayay, xiliyadaasaanu Qaasim ahaa calan-sidihii laba da’ood oo kala guur ku jiray, maanso ka soo digo-roganaysay qabyaaladii oo curinaysay dareen wadaninimo, isla markaana reer magaaloobaysay.

Waxaanu jabiyey darbigaa Suugaaneed, wuxuu ku dhiiraday in uu gabaygii ka tiriyo magaalooyinka, kamana tiring oo kaliya’e wuxuu noqday hal-ku-dheg iyo hadaaq guri walba yaal. Habka falkinta tixda, u-meel-deyida halka looga maydhax-diirayo, hummaagyada iyo muuqaallada is-kaabaya ee dhextaalka iyo dharkaba u ahaa maansadiisa ayaa ka dhigay mid la majeerto oo miyi iyo magaalaba la jeclaysto”.

Maansada Qaasim waxay dabarka goosatay oo qof kasta oo dalka jooga iyo mid dhoofayba sahay u noqotay markii uu ku luuqeeyey Maxamed Mooge Liibaan oo isna xilliyadaa iyo xilliyo dambeba ahaa foolaadka hobollada Soomaaliyeed ee u amba-baxay luuqda iyo alooskeedaba.

Beryihii uu ku jirey dugsiga dhexe ee Sheekh, tuducyadii Qaasim ku socod-bartay waxa ka mid ahaa:

Biliis bedenoow wax baran maayee

Bogsiiya ma soo bariidshaa.

Mar uu Carabta joogay fariin uu soo diray ayaa ahayd;

Barbaarta tolkay ahee baxaysaay

Boogsiiya qaasim wuu bukaa dheha.

 

Tuduc kale oo sheekadaa ku taxnaa oo halhays aad u faafay noqday oo Qaasim tiriyey isna wuxuu ahaa;

Hadmuu dooxa herer dekedo yeeshoo

Dumbuluq laga raacay doonyaha.

 

Midhihii tisqaaday ee Qaasim ee tabashada iyo calaacalka daarranaa, waxyanu ka soo qaadan karnaa;

Cilmi bay hodan kala halleeyeen

Hooggayga anna ma I haleeleen

Baddii berberaa bannaan noqotoo

Bogsiiya la guursaday waa been.

Taariikhda abwaanka iyo suugaantiisa oo aad u facweyn waxaynu ku soo qaadan doonaa qormooyin kaloo qormooyin kaloo xiiso badan.LA SOCO…….