Madasha Wadatashida oo Xukumada Siilaanyo ku Eedeyey In ay ku Fashilantay Siyaasadii Arrimaha Dibada, Komishanka Doorashoyinka ku Dhaliilay Hananka ay wax u wadaan

0
69

 

madasha“Siyaasadeeni Arrimaha dibadu waxay gaadhay in saaxiibkeeni ugu weyna ee aynu lahayn illaa wakhtigii halgankii oo ahaa dalka Itoobiya ay  Saaxiibtinimadeenii Cidhiidhi gasho”Xassan Guure

“Turkiga laynagu leeyahay waa Dhexdhexaad miyaanu ahayn kan Ciidamadii Cirka ee ina laayey u dhisaya Somaliya” Maxamed Xaashi

Komishanku waa halka kali ah ee  barito erayga ay yidhaahdan uu yahay ka dhib keenaya ama wanaag keenaya, Marka haddii idinka oo xantiinu tan tahay, Doorasho aynu isla gaadhno illahay haynoo sahlo

 

Hargeysa(Waaheen) Masuuliyiinta Madasha Wadatashiga ee Somaliland ayaa Xukumada Siilaanyo ku eedeyey in Siyaasadii Arrimaha dibada albaabada u soo laabtay,  waxa kale oo ay ugu baaqeen in ay ka baxdo wadahadalada Somaliland iyo Somaliya.

Masuulinta Madashu waxa kale oo ay dhaliileen Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ay sheegen in ay saluug badani uu ka muuqdo hanaanka wax ay u wadaan.

Sidaasi Waxay ku sheegen mar ay warbaahinta kula hadlayeen Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga ee Somaliland oo ugu horeyn ka hadlay Arrimaha Komishanka Doorashooyinka ayaa waxa uuu yidhi. “Komishanku waa halka kali ah ee  barito eray ay yidhaahdan uu yahay ka dhib keenaya ama wanaag keenaya, eraygiina hortii haddii aad sii eedowdaan oo xantiinu magaalada ku badato, barri wax tidhaahdan cidi idin rumaysan mayso,  xanbaanu maqlaynaa gudihiina ah, oo qandaraasyad aad bixisaan ayey xani ka jirtaa, oo hanaanka aad u bixisaan eyey xani ka jirtaa,  oo baabuurtiinu sida ay u qaaliga yihii iyo hantida lagu lunsaday ay iyana xanni ka jirtaa, marka Xan baddan ayaa magaalaada ka jirta, idinka oo aan waxba qaban  haddii xantiinu badato waxa la yidihi “Guulwadoow halkaad u socotaa way dheertahay” marka idinka oo xantiinu tan tahay haddii doorasho aynu isla gaadhno illahay haynoo sahlo”Ayuu yidhi Xassan Guure

Xassan Guure waxa uu si kulul u dhaliilay Siyaasada Arrimaha dibada ee Somaliland la leedahay dalalka caalamka waxanu yidhi. “dalka haddii aad eegto maalinba maalinta ka sii danbeysa in wax ka sii dhacan mooyane wax soo kordhayaa ma jirto, intii xukumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka iman dalal badan oo yurub iyo Afrikaba leh ayey dad badan inooga ololeyn jireen Waddanka Konfurta Afrika ayaa ka mid ahaa, Ingiiriska iyo waddamo badan waliba waxa jirtay  dad badan oo barlamaanada caalamka ku jira oo Somaliland aqoonsigeeda u ololeyn jiray, siyaasadeeni arrimaha dibadu waxay gaadhay saaxiibkeeni ugu weyna ee aynu lahayn illaa wakhtigii Somaliland lagu dhawaaqay illaa wakhtigii halganka oo ahaa dalka Itoobiya Saaxiibtinimadeenii Cidhiidhi ayey ku jirtaa”Ayuu yidhi.

Maxamed Xaashi oo ka mid ah Madasha wadatashiga oo isagu ka hadlay wadahadlada Somaliland iyo Somaliya iyo dhexdhexaadnimada Turkiga wax auu yidhi. “Waa nasiib darro in maanta inaga oo Somaliya ka hor helayn dawladnimada in la yidhaahado Somaliya ku dabba fayla inaga halkaasi is dhignay, mida kale dawlada waxaan ugu baaqay in ay wadahadalada isaga baxdo oo danaheena ay u soo noqoto, Turkiga waa dhex dhexaad ah ayaa la yidhi maanta waad aragtan oo Somaliya wuxu u dhisaaya ciidamadii Cirka, Imaraadku wuxu u toobabayaa kuwii dhulka ciida loo soo ham iyo digleeyahana waa Somaliland, kuwaasi la tababarayana waa kuwii shallay dhibta inoo geystay, marka Soamliland waa in ay ka gaashamataa waxa inagu soo socda”Ayuu yidhi Maxamed Xaashi