Culimada Somaliland oo Golaha wakiilada ugu baaqay in aanay Ansixin xeerka Bananka oo salka ku haya Ribo.

0
221

 

4-2“Xeerkani waa Mid saamayn xun inagu yeellan Doona, Quraankana Illaahay wuu ku sheegay dhibta ay ribadu leedahay, Nabiga Waxa uu yidhi  Ninka Sinaysta 36 Jeer waxa ka danbi baddan ninka Hal  dinaar oo Ribo ah Cuna”Sheekh Dirir

Hargeysa(Waaheen) Culimada waa wayne ee Somaliland Ayaa ka Digay Xeerka Ganacsiga Baananka Somaliland oo Mudooyinkii U danbeeyey horyaalay golaha wakiilada Somaliland.

Waxaanay  Culimadu Xeerka Banaanka ku Tilmaameen Mid xaaraan ah oos alka ku haya  ribbo, Isla markaana ay Masuuliyiinta Dawlada Iyo Xildhibaanada Golaha wakiiladu ay ka Waantoobaan ansixinta xeerkaasi.

Culimadan ayaa waxa kale oo qodob qodob isku dul taageeran qodobada xaarantinimaynaya  Xeerkan iyaga oo sheegay in uu yahay mid ribada dhiirigalinaya, waxa kale oo ay sheegen in haddii xeerkaasi golaha wakiiladu jideeyaan oo ay ansixiyaan ay ka dhallan doonto cawaaqib xummo weyn.

Sidaasi Waxay ku sheegen Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Huteel Xaraf ee Magaalada hargeysa.

Sheekh Cabdiraxman Aw Axmed  oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa Akhriyey qodobo ay ku soo kooben sida uu ribadu ay utahay xaaran isla markana  xeerka Bananka ee Golaha horyaala uu yahay mid dhiirigalinaya ribada, waxaanu sheegay in Dastuurka Somaliland uu xaaratimaynayo wixii dul saar ah ee Daynta salka ku haya.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar (Dirir) oo Isaguna ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa si mug iyo miisan leh bulshada Somaliland ugu soo bandhigay mushkilada ka dhallan karan haddii la sameeyo baanan ribo ku shaqeynaya oo shareecada islaamka ka soo horjeeda. Waxanu yidhi.  “Xeerkani waa Mid saamayn xun inagu yeellan Doona, waayo marka qaraar la yidhaahado wuu ka duwan yahay shay hal mar la fuliyey, waayo wax laga yaaba nin qarniyo baddan uu jiro oo lagu shaqeeyo, Quraankan Illahay wuu ku sheegay dhibta ay ribadu leedahay, marka qadiyadan ribada daliilo badan oo quraanka iyo Axaadiista ayaa ka waramaya, Daliiladaasina waxa ka mid ah Nabiga oo sheegay Ninka Sinaysta 36 jeer waxa  ka dambi baddan ninka Hal Shillin oo dir Han oo Ribo ah Cuna, haddii la yidhaahado Hebel 36 Jeer ayuu Sinaystay in madax la qabsado oo la yidhaahado kan waalan ee waddanka helay muxuu ahaa, lakiin ribadaa ka xun”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi. “Shirkaygan jaraa’id waa mid nasteexo ah oo aanu labba qolo u fidinayno, qolada kowaad waa ganacsatada iyo qolada labbaad oo ah qolada uu horyaallo, ganacsatada waxaanu leenahay xoolihiinu waa xoolahayagii, waxaynu kala leenahay ma jirto, xoolaha aad tabcaysaan anagay na soo gaadhayaan  qaadhankii  ayaanu idinka qaadaynaa,  wadankii ayaa lagu maalgalinayaa, hadduu xaaran noqdo kaayagii oo xaaran ah ayuu ka dhigan yahay, sidaasi daraadeed waanu soo dhaweynaynaa illahayna  waanu idinku ducaynaynaa in uu idiin kordhiyo, laakiin waxaanu ka digaynaa maalkiinu in uu xaaran noqdo, maadama oo idinka aanu idinku ekaanayne uu duuldulkiisu anaga uu na soo gaadhayo, arrinta ribadu ma ah mid Somaliland oo kali ah aanu uga digayno laakiin walaaha somaliyeed oo dhan waanu uga digaynaa waan su’aalaha noogu waydiinta baddan markanu tagno waddamada qurbaha”

Sheekh Dirir waxa uu baaq u diray Golaha wakiilada Soomaliland  waxnau yidhi. “Golaha wakiiladana waxanu leenahay waa inaad dareentan masuuliyada idin saran ee aad u haysana qaranka”Ayuu yidhi Sheekhu.

Sheekh Dirir waxa kale oo uu is dultaagay qodobo u baahan in ganacsatadu ku dhaqmaan.  “qodobka kowaad Waa in ay Ganacsatada bananka Islaamku waa in ay Yareeyan Faa’idooyinka dadka ay saarayaan, ooo dadka u naxariistan, waa in dadka Masaakiinta wax la Amaahiyo, waa nin aanay Amaahda  dul saar ah aanay sarin,  waa in ay golaha wakiilada u sharaxan xeerkii hore ee baananka Islaamiga ah ee hore u ansixiyeen iyo faa’idooyinkiisa iyo aanu caalamka inaga celinayn in uu aynu la shaqeysano, tusaale ahaan adduunka waxa ka shaqeya in ka baddan 800 boqol oo Banan Islaami ah”ayuu yidhi.

Wasiirkii hore ee Diinta iyo awqaafta Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed waxaanu isaguna ka digay in xeerkaasi la ansixiyo waxanu  golaha wakiilada ugu baaqay in ay ka digtoonada ansixinta xeerkaasi.

Waxa kale oo iyaguna ka hadlay culimo kale dhammaan waxay iska dabba mareen Dhibta uu dalka uu u horseedi karo Xeerka Bananka oo ah mid Ribo ah.