Culimada Somaliland oo Sida Fiinta uga Qayliyey Xeerka Bangiyada Ganacsiga oo ay Sheegen in uu Khilaafsan yahay Shareecada Islaamka iyo Golaha Wakiilada oo Ku muransan

0
176

2(663)Hargeysa(Waaheen) Golaha Wakiilada  Somaliland ayaa waxa maalmihii u danbeyey horyaalayXeerka Ganacsiga Hawlaha Baananka kaasi oo buuq iyo sawaxan ka dhex dhaliyey fadhiyadii uu danbeyey ee Golaha.

Fadhigii Shalay ee golaha  ayaa waxa ka dhashay Buux ka dib markii xildhibaanada taageersan in xeerkan la ansixiyo ku qayliyeen Gudidii loo saaray in ay ka sooo tallo bixiyaan Xeerkaasi.

Guddoomiyaha Gudidaasi Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi ayaa fadhigii golaha ka hor akhriyey go’aanadii gudidu soo saartay. UJEEDDO: GO’AAN GUDDI: Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baananka

Mudanayaal/Marwooyin: Waxaad la wada socotaan Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baananka oo Goluhu hore uga dooday inay gunaanadkiisii ka dhalatay dood xasaasi ah oo la xidhiidha waxa ay Shareecada Isl;aamku ka qabto qodobo aasaas u ah kana mid ah xeerkan.  Waxay dood xoog leh Golaha kaga soo noqotay dhanka culimada Diinta iyadoo sababtay in masaajidada dalka, gaar ahaana Hargeysa iyo Burco si weyn looga dhaliilo meelmarinta xeerkan oo lagu duray inuu xanbaarsanyahay qodobo jidaynaya ku ganacsiga ‘Ribadii’ Shareecadeena iyo Dastuurkeenuba reebeen.  Taasi waxay  sababtay inuu Goluhu Guddi gaar ah [Ad hoc Committee] u saaro xal u raadinta khilaafkan. Waxaa Golaha laga magacaabay Guddi ka kooban 5 [shan] xubnood [xildhibaan] oo daraasad ku soo sameeya nuxurka dooda keentay in dib loo dhigo go’aankii goluhu ka qaadan lahaa ansixinta xeerkan.

Sidaas darteed, Guddiga Gaarka ah ee ka talobixinta Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baananku waxay kulamo la qaadatay culimada iyo imaamyada masaajidyada, iyadoo guddiga iyo culimadu isla waafaqeen in marka hore nuqulada Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baananka ee hor yaala Golaha loo qaybiyo culimada si ay u soo akhristaan, uga soo bogtaan, u soo darsaan, kadibna Guddiga ku soo celiyaan warbixin tilmaan ka bixinaysa is waafaqsanaanta Xeerkan iyo Shareecada Islaamka.

Haddaba,

  • Annagoo gudanayna waajibaadka Guddi ahaan ee Goluhu noo igmaday
  • Annagoo dhegeysaney taladii Shareecada Islaamka ee ay cod ahaan iyo qoraal ahaanba ku soo jeediyeen Culimada dalkeenu oo halkan ku lifaaqan, taasoo ay soo saxeexeen culimada kala ah:
  1.  Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir
  2. Sh. Maxamuud Suufi Muxumed
  3. Sh. C/laahi Cali Jawhar
  4. Sh. Cumar Sh. Cisman
  5. Sh. C.raxman Aw Axmed Cabdi
  6. Sh. Dr. Cabdiqani Xusen Maxamed
  7. Sh. Axmed Dhimbiil Guuleed
  8. Sh. Axmed Dayib Aadan
  9. Sh. C/lahi Khaliif Jaamac
  10. Sh. C/risaaq Cali Xuseen
  11. Sh. Prof. Almis Sh. Yaxye Ibrahim
  12. Sh. Prof. Mubaarik Ibrahim Aar.
  • Annagoo tixraacayna Xubinta 2aad  ee Qodobka 5aad ee Dastuurka JSL oo tilmaamaysa “Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.”
    • Annagoo aragnay Xubinta 3aad ee Qodobka 14aad ee “Cashuuraha, takaaliifta & ribada” oo tilmaamaya “Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin”

 

Waxaanu isla qaadanay:

  1. Inay waajib diini ah iyo mid dastuuri ahba tahay in laga dheeraado macaamil kasta oo ku dhisan “RIBO”.
  2. In Goluhu u hogaansamo talada Culimaa’udiinka Dalka taasoo ku salaysan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka JSL, labadaba, kuna xusan qoraalkoodan ka kooban 7da bog ee halkan ku lifaaqan, talobixintoodaas oo u dhigan sidan:

“Gudidda Culimadu iyadoo u mahadnaqeysa Golaha Wakiilada ee ka cosadey soo daraasaynta Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baananka ee horyaala, hadaba markii ay daraaseeyeen una bandhigeen  Shareecada Islaamka iyagoo cuskanaya qodobada kor ku xusan WAXAY ARKEEN INUU ASAAS AHAAN KHILAAFSANYAHAY SHARCEEDA ISLAAMKA, jideynayona Ribadii Alle SWT Xarimey, SIDAA AWGEED WAXAY SOO JEEDINAYAAN CULIMADU IN GABI AHAANBA LA JOOJIYO XEERKA GANACSIGA HAWLAHA BAANANKA.

  1. In gebi ahaanba la joojiyo hawsha Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baananka, DIBNA LOOGU CELIYO XUKUUMADDA maadaama ay xaaraan tahay in cod loo qaado arrin khilaafsan Shareecada Islaamka.

 

Magacyada iyo Saxeexyada Guddiga:

  1. Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi ………Guddoomiye____________________________________

 

  1. Xildhibaan Maxamed Xuseen X. Ciise……………Xubin__________________________________

 

  1. Xildhibaan  Maxamuud Axmed Obsiiye………….Xubin___________________________________

 

  1. Xildhibaan Ibraahim Caraale Cabdi………………Xubin___________________________________

 

  1. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil………………………Xubin___________________________________

وبالله التوفيق