Baashe Cawil oo ka hadlay xaalada X. Cabdiwaraabe

0
123

Dubai(Waaheen)Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) si wanaagsan loo baadhay, isla markaana uu marti u yahay dalka Imaaraadka wakhtigan.

 

Mr. Baashe Cawil oo shalay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim ayaa sheegay inuu meel fiican marayo, maalmaha soo socdana dalka ku soo laaban doono, waxaanu yidhi, “Xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim meel fiican ayey maraysaa, si wanaagsana waxa loogu baadhay Cusbitaalka Al- Khaliifa ee magaalada Abu-Dhabai.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Xaaji Cabdi-kariim markuu gaadhay madaarka Dubai, waxa hawshiisa la wareegay oo marti uu u yahay dawlada Imaaraadka Carabta, waxaana isaga, xaaskiisa iyo inan uu awoow u yahay la degay hudheel weyn.”

Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda ku soo laaban doono dalka, waxaanu yidhi, “Xaaji Cabdi-kariim maalinta Arbacada ayaa la filayaa inuu ku soo laabto dalka, xaaladiisuna Ilaahay mahadii way wanaagsan tahay, muhiimadii loo keenay dalka Imaaraadkana waanu gaadhnay, oo waxa hawshiisa la wareegay wasaarada Madaxtooyada Imaaraadka.”

 

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo usbuuc ah dabadeed markii Xaaji Cabdi-kariim loogu qaaday xaalad hubin caafimaad dalka Imaaraadka Carabta, oo madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo uga dalbaday martiqaadkiisa.

 

Dhinaca kale, Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan ummada Somaliland geerida ku timi marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed) ku geeryooday magaalada Dubai, isla markaana sheegay ku dedaalayaan in meydka marxuumka maalinta Arbacada la keeno hargeysa, si loogu aaso.

 

Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka dhamaan hawl-wadeenada safaarada Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta uu tacsi u dirayo dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo ummada Somaliland iyo guud ahaan bulshada ku hadasha af-soomaaliga geerida ku timi marxuum abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed”.

 

Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inay bilaabeen qorshahii meydka marxuum Cali Sugule la keeni doono dalka maalinta Arbacada, waxaanu yidhi,

 

“Inaa-lilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan ummada Somaliland, ehelkii, iyo qaraabdii uu kabaxay marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed” oo mar dhoweyd ku geeryooday magaalada Dubai.”

 

“waxaan qorshaynayaa inaan maalinta Arbacada, meydka marxuumka la keeno magaalada Hargeysa, si loogu aaso. Annigoo ku hadlaya magaca safaarada Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta iyo dhamaan hawl-wadeenada waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii geerida ku timi marxuum Abwaan Cali Sugule “Dun-carbeed).

 

Madaxweynaha JSL Md. Axmed maxamed Siilanyo ayaa horaantii bishii Oktoobar ee sannadkii hore ku booqday cusbitaalka uu ku jiray marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed), amarna ku bixiyey in la bixiyo kharashaadka ku baxaya daaweyntiisa iyo cusbitaalka.