Siyaasi Jaamac Hilaac oo ka Hadlay Xaalada Waddanku Marayo

0
123

“Iima Muuqato Sabab Wasiir Samsam lagu Badali karo”Warysi Jaamac Hilaac

jamaac HilaacHargeysa(Waaheen) Xog-hayaha Dib u dajinta ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa ka hadlay Xaalada uu dalku marayo.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Waraysi uu la yeeshay Wariye ka Tirsan Wargeyska Waaheen.

Ugu horeyn waxa uu wariyuhu waydiiyey Jaamac Hilaac Su’aasha:  Sideed u aragtaa mudaynta diiwaan galinta codbixiyeyaasha ee bisha January 2016? J:Aadbaanu u soo dhawynaynaa mudeynta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha waxaananu shacbiga Somalind ugu baaqayaa in ay si weyn ugu soo baxaan qaadashada kaadhka cod-bixinta si ay inoogu dhacdo doorasho xor oo xalaala. S:Goormaa xisbiga wadani uu Qabanayaa shirkii golaha dhexe? J:Shirka golaha dhexe ee wadani waxa la qabanayaa Bilaha hore ee sanadka 2016-ka haddii eebe idmo, xisbiguna waa u diyaar garoobay, waxba dhulka nagama yaalaan. S:Goorma ayuu gudoomiye Cirro uu banaynayaa kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada? J: Marka Ilaahay Idmo, doorashada waxaa ka hadhay 14bilood ma arkaayo sabab hadda uu gudoomiye cirro uga tago shaqadiisa. S: Gudoomiye cirro kursiga musharaxnimada ma lagula tar-tami karaa?  J: Xisbiga wadani waa xisbi diqmuraadi ah qof kasta oo buuxiya shuruudaha tar-tamaha  ee xisbiga gudihiisa waa tar-tami karaa, laakin Dhidar Onkod Kiciyey Ma yeelayno. S: Waxa jira dadweyne faro badan oo ka soo jeeda Gobolada dalka kuna soo biiraaya xisbiga wadani sideed u Aragtaa? J: Dadku maaha kii shalay ee kulmiye iyo xukuumadiisa ku hungoobay, dadka xisbiga wadani ku soo biirayaa waxay doonayaan isbedel macno leh ee xaaladan qalafsan ee wadanku ku jiro inaga gudbin kara taasina waxay u baahantahay xisbi Wadani oo kale, oo karti u leh in ay wax-badeli karaan.    S: Waxaa baryahan danbe xukuumadu wadaa isku-shaandhayn iyo isku badal gudaheeda ah sideed u aragtaa? J:Xukuumadu marka hore waa in ay fahantaa waxay dawladnimadu tahay, marka labaadna waa in ay leedahay istraatijiyad iyo qorshe si ay fahanto xaalada iyo baahida markaas  jirta si uu  isbedelka gudaheedu uu markaas u noqdo mid sax ah, isbedelka imika waxaan u arkaa hebel oo reer hebela ku badel hebel kale oo isla reer hebela taasina wax-macno leh soo kordhin mayso waana ta halkaas ina dhigtey maanta. S:Sideed u aragtaa Waxa baryahan danbe jirta in weerer dhinaca internet ka ah iyo baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyey in la badelaayo ama la bedelo wasiirka maaliyada? J:Wasiirka maaliyadu  Marwo Zamzam Cabdi Aaden waxay ka mid tahay wasiirada ugu miisaanka culus ee lixdii sanadood ee la soo dhaafay la shaqaynaayey xukuumada madaxweyne Siilaanyo,  waxay ka soo shaqaysay laba wasaaradood oo miisaan culus ku leh dalka mudadii ay labadaa wasaaradood joogteyna waxay ka qabatey shaqo aad u wanaagsan,  wasiir Zamzam waxaan odhan karaa waa gabadhii ugu horeysay ee xilal noocan oo kale ah qabata waxaanay astaan u tahay dhiirigalinta haweenka Somaliland marka laga hadlaayo dhinaca siyaasada ee haweenka, wasiiradu waa haweenay karti iyo samir badan , marka laga hadlaayo xisbi iyo xukuumad waa kala duwan yihiin marka xisbi laga hadlaayo waa fikraddo dad u gaara waxa laga yaaba in aragtida iyada iyo xisbigeedu kala duwaanan karaan taasina ay keento in dad kale si kale u arkaan , balse marka xukuumad laga hadlaayo xukuumaddu waa wax umada u dhex ah oo la wada leeyahay markaa wasiiradu shaqadeeda ayaa keenaysa in ay dadka dhex u noqoto,  taasina waxaa laga yaabaa in ay dhinacayo  kale raali galin kari weydo.Sidaas awgeed iima muuqato sabab wasiir samsam lagu badali karo. S:Waxaad ka mid tahay dadka u ololeeya in la helo dawaldo hoose oo wax-qabad leh sideed u aragtaa dawladaha hoose ee dalka ka jira maanta gaar ahaan magaalada hargeisa? J: Dawladaha hoose waxay hoy u yihiin bulshooyinka  ku nool magaalooyinka haddii bulsho hoyga ay ku nool yihiin uu  ka xumaadana waa noloshoo xumaata,  shan iyo labaatankii sano ee ina soo dhaafay dawladihii dhexe ee dalkan soo maray waxay ku guul daraysteen in bulshooyinka magaalooyinka Somaliland  ay u soo dhisaan dawlado hoose oo dabooli kara baahiyaha aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku nool magaalooyinka dalka. Taasina waa mid maanta ka muuqata magaalada hargeisa iyo magaalooyin kaleba. shacbiga Somaliland iyo xukuumadahooda oo fahansanayn muhiimada dowladaha hoose u leeyihiin dadka ku nool magaalooyinka, taasina waa ta keentay in maamuladii dowladaha hoose gaar ahaan magaalada hargeysa ay fadhiid noqdaan.