Faysal Cali Waraabe oo Xukumada Siilaanyo ku Eedeyey in aanay Waxba u qabban Shacabka Gobolada Bariga

“Ciidan Kali ah oo la Moodo in ay dadka qabsadeen ayaa loo diray oo waxba aan la Raacin”   

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay helin dadka ku dhaqan Gobolada Barriga Somaliland adeegyadii aasasiga ahaa ee Bulshada isla markan ka qatan  yihiin Dhaqaalihii waddanka.

Sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu la hadlayey Idacada BBC-da.

Waxa uu sheegay in Deeganada Gobolka Sool gaar ahaan Degmada Xudun oo uu ku tagay Socdaal uu ugu magac daray Socdaalkii Nabbad uu ku soo arkay waxyaabo ka yaabiyey sida dadka deegaankaasi oo aan caafimad haysan, Iskuladii oo aanay Somaliland maamulin, waxanu hoosta ka xariiqay in deegankaasi wax maamul ahi gaadhin marka laga reebo ciidamo qalalan oo aanay wax kale la socon.

Faysal Waxa uu Beesha Dhexe ku eedeyey in ay isku koobtay Mansabyadii dalka isla markaan dadkii ka soo jeeday Beelaha darafyadu aanay waxba ku hayn Somaliland,  isaga oo xusay in dawladii Marxuum Cigaal ugu danbeysay dawlad saami qaybsi ku wadda qancisa beelaha Somaliland.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.