Xildhibaan Faarax Macaliin oo Si Qaawan u weeraray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somaliya.

0
158

 

Deputy Speaker Farah MaalimKeniya (Waaheen)  Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan Barlamaanka keniya ayaa ka hadlay ciidamo cusub oo Itoobiyaan  ah kuwaasi oo dhawaan gaadhay Dalkaasi Somaliya. Xildhibaanka ayaa Ciidankaasi cusub ee gaadhay Somaliya  si kulul uga hadlay, Waxanu Faarax Macalin sheegay inuu aad uga xun yahay in Somalia ay raali ku tahay inay hoostagto Dowlada Itoobiya oo uu sheegay inay gumeysato Somalia oo idil.

Faarax Macalin waxa uu tilmaamay in Itoobiya  ay halis ugu jirto in Madaxweyne ay ka noqoto Somalia, taasi oo uu ku micneeyay heerka uu iminka gaadhsiisan yahay awooda Itoobiya  ay ku dhex leedahay Somalia.

Faarax Macalin waxa uu sheegay inItoobiya oo idil ay qaska iyo arbushaada Somalia usoo wakiilatay Generaal Gebra oo uu sheegay inuu yahay shaqsi daciif ka ah dalka Ethiopia balse miisaan ku leh dhanka madaxda Soomaalida min Dowlada ilaa Gobolada dalka.

Madaxda Qaranka Somalia ayuu sheegay inaysan fulinkarin amar uusan bixin Generaal Gebra, waxa uuna taasi ku sheegay inay qeyb ka tahay damiir xumida Madaxda Somalia.

Madaxda ugu sareyso dalka iyo xubnaha maamul goboleedyada ayuu sheegay ineysan ka daba hadli karin Generaalka sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Rag ay kamid yihiin Xasan Sheekh iyo Faarax Cabdiqaadir ayaa dalka Somalia u gacan galshay Ethiopia, waan la soconaa in Generaal Gebra ay ka amarqaatan waayo waxa ay iska dhaadhiciyeen in Ethiopia ay ka quwad badan tahay Somalia waa ii nasiib darro in Gebra oo kaliya uu Somalia gumeysi galiyo”

”Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir iyo shaqsiyaad badan oo aan ogahay waxa ay hoos fadhiistaan jilbaha Generaal Gebra, anigu waxaan ahay Somali, dhab ah, waxaan ahayn Somalia Kenya “Jiridiis lahaye Jidinka Kama Qoslo”Ayuu yiri Faarax Macalin Dawaare.

Arrintan ka soo yeedhay Xildhibaanka Keniyaanka ah ayaa u muuqata mid dhaawici karta Xidhiidhka ka dhexeya Labbada Dawladood ee Itoobiya, maadama Xildhibaanku si kulul u weeraray dawlada Itoobiya, Balse Xildhibaanku kamu hadlin Ciidamada Kiiniyaanka ee dalkiisa ka soo jeedda ee ku sugan Somaliya.