Maxaad Ka Xasuusataa Taariikha Madaxweynihii 37 Ee Dalka Maraykanka Iyo Fadeexadii Caanka Noqotay Ee Watergate? A.A.Arshe

0
517

 

watergate1Waxay ahayd fadeexada Watergate taariikh madaw oo soo martay madaxweyne awood badan iyo sumacad dunida  ku lahaa kana mid ahaa madaxweynayaashii ugu caansanaa ee soo mara dalka maraykan, waana Richard Milhouse Nixon, oo ahaa madaxweynihii maraykanka ee 37 tirada madaxweynayaashii soo dalka maraykanka.

Biography Richard M. Nixon

Madaxweyne Richard M Nixon waxa uu ku dhashay Gibolka California ee dalka maraykanka 9/1/1913-kii , wuxuu cilmiga sharciga ama law ka bartay jaamacada Duke University ee dalka maraykanka ahna jaamacad caan ah, haweenaydiisu waxay ahayd Patricia Ryan, waxayna u dhashay laba hablood oo keliya ama uu dhalay Richard Nixon, wuxuu ka soo shaqeeyey intii uu socdey dagaalkii labaad ee aduunka {second world war} xafiiska U.S Navy in the Pacific.

Ilaa 1946-1950 wuxuu ahaa Congressman, isaga ku guulaystey kursiga Senate-ka ee gobolka California, madaxweyne Nixon wuxuu ku soo shaqeeyey madaxweyne ku-xigeenka dalka maraykanka, 1960-kii ayuu xisbiga republican-ku u soo xushay masharax madaxweyne, balse kuma uu guulaysan, waxaana ka guulaystey John F. Kennedy.

Muddo ayuu ku shaqaynayey lawyer oo uu ku noqday shaqadiisii uu bartay ku shaqaysaneyey, sanadkii 1968-kii ayuu xisbiga republican ku marlabaad u soo sharaxay in uu u tarmayo shaqada madaxweynaha wuuna ku guulaystey isaga oo noqday Nixon, madaxweynaha dalka maraykanka ee 37 marka la eego madaxweynayaashii isaga ka horeeyey.

 

Caqadihii soo Wajahay Madaxweyne Nixon intii xafiiska joogey: Nixon Challenges Facing.

 

Caqabada ugu waayeyn ee soo wajahay madaxweyne Nixon waxaa ka mid ahaa dagaalkii taariikhda galay ee Vietnam War, kaasoo ciidamadii maraykan ee ka qayb galay ilaa imika ay yihiin mujaahidiin, 1970-kii ayuu madaxweyne Nixon qaatay go’aan uu ciidamadii maraykanka kaga soo saarayo Vietnam.

Sidoo kale madaxweyne Nixon wuxuu qaatay go’aan kale oo taariikhiya, isaga oo si lama filaan ah u boqday caasimada labadii dal ee colaada xumi ka dhexaysay oo kala ahaa China iyo soviet Union, isaga oo madaxweyne Nixon 1972-kii ka degay Beijing Iyo Moscow.

1973-kii ayaa dib loo doortay madaxweyne Nixon, waxaanu saxeexay heshiishkii laga gaadhay dagaalkii Vietnam ee u dheexeyey maraykanka iyo north Vietnam, taasoo ka mid ahayd guulihii siyaaseed uu gaadhay madaxweyne Nixon intii uu xafiiska joogay ama uu ka soo toosayey aqal cad maraykanka.

 

Watergate

Intii lagu jirey ololihii madaxweyne ee dalka maraykanka sanadkii 1972-kii ayaa shan nin waxay  jabsadeen xafiiska ama xarunta guud ee xisbiga dumuqraadiga {Democratic Part’s National Headquater}, oo tartan xoogani ka dhexeeyey xisbiga Republican-ka, waxaana la ogaaday in shantan nin ay xidhiidh la leeyihiin madaxweyna Nixon ayna ka mid yihiin ragii ugu dhowaa ee u qaabilsanaa ololaha doorashada, iyada oo la xidhay shantii nin ee xafiiska jabsaday.

Baadhitaan ballaadhan ay samaysay hay’ada awooda badan ee maraynkan u qaabilsaan basaasnimada FBI-da ayaa la ogaaday in ay meesha ka dhacday fadeexad wayn, iyada oo ay soo baxday xataa in la musuqay doorashada uu ku soo baxay Nixon, laaluush la bixiyey iyo fadeexado maamul, taasoo gaadhay aqalka wakiilada maraykanka, waxaa markiiba banaan u soo baxday fadeexada loogu magac daray “Watergate” taasoo macneheedu yahay ama loo isticmaalo fadeexadaha siyaasada, iyada oo sababta in uu iscasilo madaxweyne Nixon, waxaana bedelay madaxweyne ku-xigeenkiisii Gerald ford.

Sidaas buu shaqada kaga nastay Nixon isaga oo sumcadiisii dhulka gashay waxayna aduunka oo dhan caan ka noqotay fadeexada Watergate scandal, balse madaxweyne Nixon aduunka oo dhan buu safar ku maray wuxuuna qoray todoba book aduunka caan ka ah ama laga akhristo,isaga oo uga jeeday in soo ceshado sumadiisii hoos u dhacday.

Waxaana ka mid ahaa book-ta Nixon qoray. 1-Six crises

2-The arena 3-no more Vietnams, beyond peace 4-victory without war 5-real peace and no more Vietnams, 6-the memoirs of Richards Nixon volume  7-the poetry of Richard m Nixon.  

1994-kii ayuu geeryooday madaxweyne Nixon, waxaanu u dhintay xanuunka stroke.

 

A.A.Arshe, Hargeisa Somaliland