Madaxweyne Siilaanyo oo la Filayo in uu Isku Shandheeyo Golaha Wasiiradda iyo Taliyaasha Ciidamada

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la Filayaa in uu dhawaan Isku Shandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada kala duwan. Wararka hor dhac oo ayaa sheegaya in Masuuliyiin Xilal muhiim ah ka haya Xukumada ay la tagidoonto seefta madaxweynaha, wararku waxay intaasi ku darayaan in isku shandhayntani noqondoonto tii ugu cuslayd ee muddooyinkan uu Madaxweynuhu Sameeyo. Isku shandhantay ayaa la filayaa in aanay ku koobnaan uun Wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada, balse ay gaadhidoonto illaa Hay’ada Madaxbaan ee dawlada oo qaar kood aan la badalin masuuliyiintooda Lixdaa Sanno ee Xukumadu xilka haysay. Warar kale ayaa sheegayaa in Muhiimada ugu weyn ee Madaxweynuhu kaleeyahay isku shandhayntan ay tahay Tii Ololaha Doorashada isla markana la magacaabo  Masuuliyiin Xisbul Xaakimka Kulmiye cod uga keeni kara Beelahooda.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.