Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Bishan 16-keeda u Cayimay Wakhtiga Diwaangalinta Codbixiyaasha

0
44

Saddexda Xisbi qaran oo Goob Joog ka ahaa, iyo Galabkii oo loo diray Burco

 

KHADRA-XAAJI-GAYDH-A1 komsihanHargeysa(Waaheen) Komishanka  Doorashooyinka Somaliland ayaa Shalay Cayimay wakhtiga rasmiga ah ee ay ka bilaamayso diwaangalinta Cod-bixiyaashu, waxanay u qoondeeyen Bishan 16 Keedda, iyada oo laga bilaabidoono Gobolka Tog-dheer.

Sidaasi waxa Sheegay Guddoomiyaha  Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iiman Warsame oo ay wahelinayeen Masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran iyo Xubnaha Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiyaha  Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iiman Warsame oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxa uu yidhi.  “Waxaanu ku dhawaaqaynaa  wakhtiga ay bilaamayso diwaangalinta Codbixiyaasha Somaliland, waxay Lix iyo Tobanka bishan ka Bilaamaysaa  Gobolka Tog-dheer Lixda Subaxnimo oo ah Gobolka ugu horeya, waxaanay Gobolka Tog-dheer ka soconayaa Muddo 28 Cisho oo xidhiidh ah, waxa ku-xigidoona gobolka Awdal oo Muddo 28 Cisho ah ka socondoonto, waxa ku sii xigidoona Gobolka Saaxil, Maroodijeex, Sanaag iyo Gobolka Sool oo u danbeyndoonta”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo intaasi ku daray. “Farsamo ahaan labbada Gobol ee ugu waaweyn dalkeenu waxa weeyi, gobolka Maroodijeex iyo Gobolka Tog-dheer, Tusaale ahaan Gobolka Saaxil oo qalabku ku batay in aanu Labba Degmo Hargeysa uga Goyno sida Baligubadle iyo Gabiley marka maalinta Saaxil ay ka bilaamayso ayaa labadaasi degmana ka Bilmaamaysaa, Gobolka Sool waxanu ku darnay Degmada Buhoodle”Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo halkaasi ka hadlay ka jeediyey ayaa waxa uu shacabka Somaliland iyo kuwa Tog-dheer ugu baaqay in ay isdiwaangaliyaan si ay doorashada uga qaybgaalan.

Xassan Gaafadhi oo ka socday Xisbiga Tallada dalka haya ee Kulmiye ayaa isaguna dhammaan shacabka Somaliland ugu baaqay in ay diwaangalinta Codbixiyaasha ka qaybqaatan oo ay isdiwaangaliyaan.

Naasir oo ah Xog-hayaha Xisbiga Ucid oo isaguna ka hadlay shirkaasi ayaa taageerayaasha Xisbiga Ucid iyo dhammaan shacabka Somaliland ugu baaqay in ay ka qaybtaan diwaangalinta Codbixiyaasha.