Gabay: Carigsiga Kusiii Badi waxa allifay: Abwaan C/kariim xikmaawi.

0
336

 

Carigsiga Kusiii Badi waxa allifay: Abwaan C/kariim xikmaawi.

Waxa uu soo baxay: 13/12/ 015

 

hhhhbgvmnhbwaa gabay ka hadlaya hal abuurka lagu xad gudbay ee xorriyadooda iyo danimadooda meel laga ga dhacay, gaar ahaan Abwaan C/waaxid Cali Gamadiid, oo dhawaan lagu xidhay magaalada hargaysa.

 

Waxa uu Yidhi:

 

Calool Yobey Xaley Miyaan Ciil La Ladi Waayey

Cabdiwaaxid Xadhigii Miyaan Cadho Ka Sii Qaaday

Caku Murugadeydii Miyaan Oonta Cuni Waayey

Cal Wasaadey Manatee Ciirsi Kale Waaayey

Siyaasigan Icaalaqay Miyaan Cabin Kari Waayey

Page 1 of 4

Cadligaiyo Samantii miyaa Caadku Iga Fuulay

Hanadkii Cataababa Miyaa Jeelka Lagu Canshey

Car tiraaba May Igu Dhaheen CaasiYiin Badani

Ana Caratankaygii Miyaan Caynkan La Istaagey

Hadii Curibtii Khayrkiyo Islaam Lagu Candhoonaayo

Ama Gaalka Caydii Inbadan Laga Cadhoonaayo

Canbaar Suna Hadii Ay Ku Tahay Najiska Ceebtiisu

Kufri Sanam Ka Caabuda Hadii Laba Cisaynaayo

Haday Xuma Cadeys Teen Dulmigu Caaada Wuu Imane

Walee Inay Ragbadan Ciidu Cuni Ooy Cibro Ahaane

Calool Weyta Jeedhkeed Inay Haadu Ku Casheyne

Cirka Iyo Dhulkuba Wey Onkode Cisho Aan Dheereyne

Markaasaa Cabaadkood Kufriga Ciibatiin Noqone

Cisigii Rasuulkiyo Waxyigu Caasha Wuu Mariye

Culimadii Furqaan Iyo Ragii Ciilmay Baa Taline

Cirkan Hoorey Goortaa Cabdoow Caano Wuu Di’eye

Camoolahii Indhaha Beelaybaa Heli Cadceedaase

Caradeenu Waxay Noqon Dhulkii Ugu Cudoonaaye

Caadilkeena Gaalada Kolkaas Ciiro Wuubidiye

Geesigii Cidloodaa Markale Heli Cidiisiiye

Diinta Ciidankeedii Ma Foga Waaney Soo Celine

Masiixiyo Cilmaaniba Birtaa Caasha Loogaline

Page 2 of 4

Kiristaankan Caadada Xunbaan Cidina Dhaafayne

Mareykaan Carceeriyo Yuhuud Haada Lacaweeya

Kolan Cidi Lagaadhana Amxaar Ciida Waan Dhigane

Faransiiskan Cadhadii Ilaah Lagu Calaameeyey

Waligoodba Ciidan Xoogleh Iyo Cudud Ha Sheegteene

Diracyadii Ciraaq Lagu Dhalaan Celin Waxoogaase

Markey Sidii Maroodiga Ucaran Waa Ka Cararaane

Kolkaa Iney Cabsoon Waa Lagaran Gaalo Cooflihiye

Caasimadii Talyaaniga Ilaa Moosko Caga Heeda

Caymidkoodu Waa Badan Najuus Caadil Idamkiise

Cudur Iyo Kudbaa Lagu Salidi Ama Se Ceeryaane

Caya Yaanka Duuliyo Dhiqlaa Lagu Calaameyne

Caradana Inbaa Lala Gadiyi Camal Xumaantoode

Cibro Iyo Ciqaabaa La Bidi Laguna Caaryeyne

Soomalina Cidii Raacsan Waa Lala Casheysiine

Inta Gaalku Cansadey Ayaa Mari Ciqaabtaase

Adna Cadadka Taariikhda Waad Noqon Cideediiye

Canaadkaagu Qaarbadan Ayuu Seejin Caanaha’e

Caalamkan Markaasaad Ka Noqon Curidkii Diimeede

Caruraha Danbeeyaa Tixdaa Ceelalyo Unoqone

Cagli Gaabka Maantaa Inbadan Kuu Calaacaliye

Mabda Aaga Caanka Ah Ninkii Caaqil Aa Garane

 

 

Cisho nool ba aadmigu warkaa wuu soo celine

Cirroolaha gaboobiyo wax garad wuu ku caashaqiye

Xaqaad calanka saartaa cid kale ciidda ka ogaane

Caynkastaba u soo jog nin rage ha is canaananine

Cirigsiga kusii badi rag bay tahay cadaabtoode.