Daawo: Xaaji Cabdi Waraabe oo Dalka Imaaraadka Loogu Qaaday Xaalada Caafimaad.

0
213

Hargeysa(Waaheen)Subaxnimadii hore ee Saaka waxa Madaarka Diyaaradaha ee Egal International Airport ka dhoofay Ambassador Baashe Cawil Cumar oo uu wehelinaayo Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo Xaalad Caafimaad Safiirku u qaaday.

Safarkan ayey ujeedadiisu ahayd Xaalad caafimaad oo Xaaji Cabdikariim loogu qaaday dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii Madaxweynuhu warqad caafimaad uga dalbay Imaaraadka Carabta iyaguna ay ka aqbaleen in Xaajiga loo qaado Imaaraadka si uu xaajigu wax uga ogaado xaaladiisa caafimaad oo  wanaagsan ayaa la filayaa inuu halkaasi u tago shaybaadh guud iyo in uu la socdo caafimaadkiisa wakhtigan.

Waxa halkaa ka hadlay Xaaji Cabdikariim, oo ugu horayn u mahadnaqay Madaxweynaha, Safiirka iyo Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxa isna faahfaahin ka bixiyey Safarka Xaajiga Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo isna ka hadlay doorka madaxweynuhu ku leeyahay in xaajiga loo qaado imaaraadka iyo in xaalada xaajigu tahay taam wakhtigan Allena uu uga rajaynayaa inuu u siyaadiyo Caafimaadka.