Maraykanka Oo Boqolaal Shaqaale Muslimiin Ah Oo Soomaali Ku Jirto Shaqada Laga Joojiyay

0
128

bb2889fc7167bbf083d4e673dfa910c0_L200 qof oo shaqaale Muslimiin ah oo ka shaqeynayay warshad hilibka baakado ku xirxirta ee gobolka Colorado ee waddanka Maraykanka ayaa shaqadii laga eryay kaddib markii ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen iyagoo ka cabanaya caqabado cusub oo ay u arkeen inaysan salaadda ka tukan karin marka ay shaqada ku jiraan. Dadkaas badankoodu waa muhaajiriin ka yimid Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay golaha xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, Jeylaani Xuseen, waxaa uu sheegay in shaqaalaha warshadda hilibka ee Cargill muddo loo oggolaa inay cibaadeystaan.

Afhayeen u hadlay warshadda Cargill waxaa uu sheegay inay warshaddu lahayd meelo lagu tukado. Hase ahaatee isticmaalkooda loo bahan yahay in la waafajiyo baahida shaqada.

Agaasimaha fulinta ee guddiga xuquuqda aadanaha ee Soomaalida, Cumar Jamaal, waxaa uu sheegay in maamulayaasha ay ahayd inay fahmaan in Muslimiintu ay tahay inay tukadaan waqtiyo kala duwan maalintii taas oo ku xidhan waqtiga sanadka ee lagu jiro.

Source: BBC