Guddida Doorashooyinka iyo Xisbiyada Qaranka oo Isla Qaatay in Bisha Kowaad la Bilaabo Diwaanglaintii Codbixiyaasha.

Hargeysa(Waaheen)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Kulanka ayaa daarranaa falanqaynta qaabkii ay diwaangalinta codbixiyeyaashu u bilaami lahayd. Diwaangalinta codbixiyeyaashu waa mid ka mid ah fureyaasha qabsoomida doorashada 2017-ka.

Guddida doorashooyinka qaranka ayaa xukumadda iyo xisbiyada soo hor dhigtay habka gobollada dalku ugu kala horraynayaan diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo wakhtiga la qaban doono oo lagu sheegay horraanta bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya ee 2016-ka. Saddexda xisbi ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin arrimahaasi, islamarkaana ku bogaadinayaan guddida doorashada

Guddoomiyaha Xisbiga Tallada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaa jadwalka Komishanka Doorashooyinka Somaliland u sameeyen Diwaangaliinta Codbixiyaasha oo laga bilaabidoono gobolka Tog-dheer.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulankasi ayaa sheegay in saddexda Xisbi iyo Xukumadu isku waafaqceen wakhtiga la bilaabayod iwaanglainta Codbixiyaasha, waxanu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay qaatan kadhka codeynta.

 

Guddoomiye Kuu-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Axmed Muumin Seed oo ku hadlayey afka xisbigiisa ayaa isaguna soo dhaweyey jadwalkaasi komishanku u soo bandhigeen ee ah wakhtiga iyo goobta laga bilaabayo diwaangalinta codbixiyaasha.

 

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iiman warsame ayaa sheegay in ay soo dhammaadeen hawlihii diyaargarowga diwaangalinta Codbixiyaashu, waxnau si rasmi ah u shaaciyey in Gobolka Tog-dheer ka bilaabayaan.

Ugu dambayntii waxa kulanka hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah ka soo jeediyey Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo u soo jeediyey masuuliyiinta Saddexda dhinac u soo jeediyey in sida ugu habboon loo bilaabo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017-ka. Sidoo kale Madaxweynuhu , wuxuu cid walba kula dardaarmay in sida ugu habboon ay u gutaan waajibaadkooda Distooriga ah ee ka saaran arrimaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka inagu soo fool leh.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.