Golaha Wakiilada oo ku Kala qayb samay Ansixinta Miisaaniyada Sanadkan

0
81

Hargeysa(Waaheen) Mudaneyaasha aqalka wakiillada Somaliland ayaa todobaadkan dood adag ka lahaa odoroska miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2016-ka. Mudaneyaasha mucaaradka ah ayaa soo jeedinaya qodobo ay ku dhalliilayaan miisaaniyadda, hase ahaatee xildhibaannada muxaafadka ah ayaa difaacaya miisaaniyadda, una arka inay tahay tii ugu fiicnayd oo ceeb ka saliim ah.

Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo 5-tii bishan golaha horkeentay miisaaniyadda, hase ahaatee guddida dhaqaalaha oo muddo gacanta ku haysay ayaa bilawgii todobaadkan golaha soo hor dhigtay. Warbixinta guddida waxaa lagu sheegay in cabashooyin ka imanayaan hay’adda dawladda qaarkood iyo ganacsato ka cabanaysa cashuuro lagu kordhiyay, kuwaasi oo guddidu tilmaanay inaanay fahmin tacriifadaha la kordhiyay.

Miisaaniyadda sanadkan oo ah tii ugu badnayd ee la horkeeno golaha wakiilladu waxay ka kooban tahay Laba boqol iyo shan iyo sagaashan milyan oo dollar, waxaanay miisaaniyaddii 2015 ka badan tahay 13%. Miisaaniyadda Somaliland waxay ahayd sanadkii 2010 shan iyo afartan Milyan oo dollar, waxaana muuqata in korodh laxaad lehi ku yimid.

Hase ahaatee mudaneyaasha wakiillada oo mucaarad iyo muxaafad inta doodu socotay laga dheehanayay inay u arkaan miisaaniyad fiican, lana keenay golaha wakhti ku haboon, waxay haddana mudaneyaasha qaarkood farta ku fiiqayaan dhalliilo ay leedahay miisaaniyadda oo ay danaynayaan in laga saaro ama aanay bulshada u ahayn dan.

Qodobada lagu kala aragti duwan yahay waxaa ka mid ah dakhli ka soo xaroonaya hanti qaran oo la iibinayo oo ku jirta miisaaniyadda, taasi oo mudaneyaasha qaarkood u arkaan waxaan habboonayn, sidoo kalena waxaa laga dooday cashuuro la kordhiyay, mucaawinooyinka oo aan la faahfaahin iyo hay’addo aan sharci lahayn oo kharash loo qoondeeyay.

Mudaneyaal ka dooday Qodobada la isku Maandhaafsan yahay:

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo  ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee  xisbiga Waddani ka tirsan ayaa soo bandhigay qodobada uu ku arkay miisaaniyadda ee khaladka u muuqda waxaanu yidhi “Miisaaniyaddu wakhtigeedii bay ku timid waanan ku bogaadinayaa laakiin, had iyo jeer miisaaniyadda waxaanu raacinaa lifaaqyo iyo talooyin, waxaa ka muuqata miisaaniyaddan inaanay jirin wax allaale wax laga tixgaliyay talooyinkii hore ee aanu siinay. Waxa ka muuqata inaan wax tashiil ah la tashiilin oo aan la odhan kharashaadka noocaas ah oo aan loo baahnayn baa la dhimay. Waxa ka muuqda mucaawinooyinkii oo aan fasiraad lahayn; halkay galayaan, mashaariicda ay yihiin iyo sida loo qaybinayo oo duuduub ah. Waxa kale oo ka muuqda hay’addo badan oo aan la sharciyayn oo aan xeerkooda golaha la keenin haddana miisaaniyadda kharash loogu qoondeeyay taasina dastuurka khilaafsan tahay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo qayb ka ahaa dood muxaafadka iyo mucaaradka BBC-du u qabatay.

Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Balaaki, oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye ayaa isaguna dhalliilahaasi ka difaacay miisaaniyadda “Miisaaniyaddu waxay tahay mid badan oo balaadhan oo tii hore 13% ka badan,taasina waa wax lagu bogaadiyo wasaaradda maaliyadda iyo dawladdaba. ,miisaaniyaddu dhalliilo way yeelan kartaa waana la sixi karaa laakiin, anigu uma arko inay yihiin khaladaad ama wax badan oo ka muuqda, waa waxyaabo yar oo fudud oo golaha dhexdiisa iyo dawladdaba laga dhammayn karo ayaan qabaa,” ayuu yidhi Mudane Balaaki.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo mar kale dooda ku soo noqday ayaa sheegay in miisaaniyadda kharash ugu jiro haamaha Kaydka shidaalka Berbera oo dad ganacsato ahi maamulkeeda hayaan “Waxaa ka mid ah arrinta haamaha ee xukumadda iyo goluhu isku khilaafay. Haamaha shidaalka Berbera goluhu wuxuu ku diiday in la wareejiyo cod aqlabiyad ah shacab badana wuu ku raacay, waxyaabaha noocaas ahna xukumaddu inay ku degdegto maaha. Haamihii oo la wareejiyay ayaa haddana miisaaniyadda dakhli iyo kharash ugu jiraa, markaa haamaha oo aan xukumadda iyo goluhu ka heshiin in lagu soo daro maaha,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo isna dhalliishaasi ka jawaabaya ayaa yidhi “Dee horta miisaaniyadda dawladda uun bay ka mid yihiin haamuhu haddii la kireeyo iyo haddii kaleba, haddii la kireeyay hantida dadka lagaga kireeyay miisaaniyadda uun bay dib u soo galaysaaye lama siin dadka laga kireeyay. Arrinta kale ee ah hantida la iibinayana dee xukumadda dastuurka ayaa xaq u siiyay wixii la iibinayo,waxaana la raacayaa nidaamka oo wax dawladda ka hor joogsanayaa ma jirto,” ayuu yidhi Mudane Balaaki.