Wadani oo Soo Dhaweeyey Xaflada Bad baado Qaran ee beel weynta Gobolka Hawd iyo Axmed Dhagax.

0
95

hILAACHargeysa (Waaheen) Xoghayaha dib u dajinta xisbiga wadani Mr Jaamac Hilaac ayaa si mug leh u soo dhaweeyey xaflada bad baado qaran ee maalintii bishu ahayd 26 december lagu qabtay hoteel Ambasatoor ee magaalada hargeysa, xafladan oo ay soo abaabuleen siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoon yahanka, garabada haween waynaha iyo dhalin yarada  beel weynta gobolka Howd iyo Axmed dhagax.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in xafladan oo si heer sara ah loo soo abaabulay ay u jeedadeedu ahayd sidii beelweynta gobolka howd iyo axmed dhagax ay isu garab taagi lahaayeen una taageeri lahaayeen xisbiga mucaaridka ah ee wadani,  xoghayuhu wuxuu sheegay in beelaha gobolka Hawd iyo Axmed dhagax ay ka mid yihiin  beelaha ugu miisanka culus beelaha soomaaliland ahna beel lagu qadariyo kuna suntan halkankii dib u xoraynta Somaliland, ayaa taageeradoodu wax badan ku soo kordhin doonto  habsami u socodka xisbiga wadani iyo qarankaba.

Xog-hayuhu wax kale oo uu sheegay inTaageerada Beelaha gobolka Hawd iyo Axmed dhagax ay ku soo began tahay wakhti dalku u baahan yahay isbedel siyaasadeed oo macno leh, si shacabigani u hello dawlad, salka ku haysa wadatashii, waxwada la’aansho iyo Isla xisaabtan dhab ah.