Tallaalka Jadeecada Oo Maalintii Afraad Ceerigaabo Kasocda‏

0
103

Ceerigaabo(WHN) Tallaalkan cudurka jadeecada oo loogu talagalay in laga mudo dadka da’doodu u dhexayso sagaal bilood ilaa sagaal sano ayaa guud ahaanba degaannada fog ee debedda degmada Ceerigaabo iyo isla gudaha magaalada Ceerigaabo wuxu si rasmi ah uga bilawday subaxnimadii khamiista ee lasoo dhaafay.

talaalkaHawl-wadeennada tallaalkan ayaa ku sugan guud ahaan goobaha shaqadu ka socoto waxana dadweynaha gaar ahaan hooyooyinka ubadkooda cudurkan laga tallaalayaa safaf dhaadheer ugu jiraan halkii ay ka gaadhi karaan goobaha tallaalkani ka socdo. Halka u qaybsanayaasha wacyigelinta tallaalkanina yihiin kuwo dhinocooda bulshada la dhexmaraya faa’iidada tallaalkani u leeyahay.

Waxana xusid mudan Mas’uuliyiinta Hay’adaha WHO, Unicef iyo Caafimaadka oo lagu arkayo goobaha tallaalka iyagoo kormeeraya habsami u socodka shaqada.

talaalka 2Dhinaca kalena guud ahaan dadweynaha qaybohooda kala duwan ayaa aagtiyo isku mid ah waxay soo dhoweeyeen tallaalkan cudurka Jadeecada oo ay sheegeen inay tahay tallaabo caafimaad oo muhiim ah.

Waaheennews.com/Ceerigaabo