TAAGERO KALA MAANA, MUJAAHIDKA IYO MURQMAALKA. Qalinkii: A.A.Kaahin

0
94

Filimada inta badan waxa la radiyaa jilaaga,iyo sheekadu siday, iskugu xidhantahay, isla marka ladaaraba, daawadayaashuna fahamkooda kala duwan awgii midba meelbuu kaga hadhaa nuxurka iyo qaabkaay wax usocdaan, halka dadk khabarada ku ahi saaraan fasiraadom iskumida, si sheekada si waafiya loo bayaamiyo, taasi waxay u baahan tahay khibrad saaida, oo aan teedoo kale la aragm basle waxa jira mala’awaal khiyaaliya oo meel dheer ka bildhaamaya, qof iyo aragtidiina u ah QUMANIHIISAA QOORTA UGU JIRA.

KUR KARLA (1)Dhugashada marka laga reebo waxa nafteenu jeceshahay oo aan teedoo kale la arag, xakamayntu waa astaan tusaale u ah tudheele wadaniyadeed, balse waxa waaqaca yaalaa waa anaa gabyo iidhi hee TAADA HAYSO WADAADAW, waar is qancintu waa awood, iyo faham furan kuuna leexinaya in aad lahaato MIISAAN DHEX DHEXAADA, marka maslaxada guud timaado, balse siyaasadu waa SHARCIGA LAGU ILAALIYO XOOLAHA SHACABKA, sida uu yidhi Sheekheenii waynaa ee Ibnu taymiye oo dadbadani ka caaroodaan, marka ay magaciisa maqlaan, iyagaana inoo sheegi waxya ku haystaane, ka soco oo soo qaado balsida la isku qanciyaa waa aan heshiino, maaha tayda qaado, balse waa maxaa Xala oo inoo Dana.

Halka kaliya in sawirka iyo dhacdooyinka dhaqdhaqaaqa ficilada sawirkay bixinayaan lagu koobnaan, balse xudunta dooda iyo halka la iska qaniinay in aad hoos ugu dagto, oo kaliya isha laga fahmin, qisadu ma (biyo hoostood baa la iska haratiyay).

Isbadalo ku dhaca tubta,qaabka,dhaqanka,siyaasadeed, whakhti kasta, markay dhacaan dhacdooyin taabanaya doonista dadka isku kooxda, ah ama kala kaanka ah, ee marka horeba fikirka ku kala duwanaa, taasi oo isku shaandhayn aan marna la saadaalin karin fakh inagaga soo tidhi, taasoo marna maankeena kusoo dhicin balse ALLAAH BAA CAADILOO INTII XAQDARO KU HESHIISA, MARBAY DAAQADA KA WADA BAXAAN, balse arrinta aan la dhugan waa maxay COLLAADA INTAA LEEG EE LA IKSU HAYAA YAABA YAABEM MAANAY DHAMAANTOOD AHAYN SHAQAALE BULSHOM, MISE ARRIMO GANACSI AYAA LA ISKU ERYANAYAA KAASAA HADDA XOOGANE, waxase jira danno ka daahan dadwaynaha oo taageeradoodu marba gabi raacdo, kuna xudun xidhan xayndaabka Qabyaaladeed ama xisbi ama waxyaabo kale oo dano adduunyo ah.

Taageerada, iyo amaanta inta badan waa laga dhargiyaa dhamaan ragga usoo cumaamata in ay caynaanka cunaha iskaga duubaan, dhaqanka ah in taageerayaashu hadba meel iskugu guuraan waa arrin sababteeda laga wadda dharagsanyahay, su’aashu se waa in dadwaynuhu in badan ku soo jireen ganacsigan guracan. Waxaase la yaaba in marka siyaasigu taageerada rasmiga ah u baahanyahay way ka quusaan balse haddii mawjada siyaasadeed dhinaciisa u ciirto ama kafadu xagiisa u cuslaato sababo aanay shaqo ku lahayn, Arrin ba Allaale, waxaa loo xaydanyahay u kala dheerayntiisa, waar shalay sawtii geedka lagu xidhay, cidladana uu fadhiyay, ee aad dhinac wadda ahaydeen, maxaa isbadalay ma mawjadaa idin waddata. Maanta lafteeda waa gacan uur kujirta. Balse meel in lagu sugnaadaa waa dhawrsanaan.

Rag baddan oo dibada fadhiya ayaa lagga yaacaa, oo aan waxba la waydiin, marka ay Shoolada gunta u galaana, waa loo kala dheereeyaa iyadoon hadda wali hawli hadhsantahay, dhinaca kasoo horjeeda rag badan oo Shookaanta ku marnaa maanta waliba laydh lagu raadinaayay, waxar luntay lama waydiiyo, haddab sirtu way caddahay oo waa xilkaa lala saaxiib yahay sidii ninkii yidhi {Maro’ay dhan}

Maanta sawirkaasi waaqaca si cad buu uga muuqdaa, ragga gucluhu ka dhamaaday, ee xiiqay, iyo kuwa cadhada duuban, iyo qaar kaloo dhoosha ka qoslaaya, intuba maalmo kala duwanaa, xusul duubay naftooda u haaray hawl aan cidi u dirsan ama abaal loogu qabin, kabo kulay iyo gucle siyaasadeed, oo nasasho ka dheertahay, si laabta loogu qaboojiyo koox ama xisbi, ay ku ladhantahay bahasha bulshadu wax ku qaybsato, afkana laga dhawro sida uu sheegay nin masuul ahaa wakhti uu xilk wareejinayay  in Dhaarta wax ag socdaan taasi oo si hoose waxbadan lagu jaan gooyo.

Haddaba goormaa taageeradeenu noqon doontaa mid ay mahadiyaan maatida, aan waxba dhaadin, ee qalbiyada wanaagsan, dalkoodana jecel, mood iyo noolna, u soo huray si riyadoodu mar uun u rumawdo. wax badan baa ku gadaaaman, in la quustaana waa mid kasii daran,cidkastana in ducada la miciinsadaa waa mid wayn oo la ilaabay {arrinba Allaah leh {Swt) Dhuuxa cibaadaduna waa Ducada}. Waxa laga sheegay nin dadkii hore ee wanaagsanaa kamida (haddaan garanayo saacad ducada ducada la aqbalo ee saacadu ijaabada ducadayda waxaan ku koobi lahaa in Allaah Swr innoo wanaajiyo Madaxda).

Maalin xileedkiisii uunbaa dhamaaday ee muu dhamaan cimri xileedkiisu, waana suurta gal sida inbadan dhacday, uu gaadho guulo hor leh, korana salaamo ka dheer kuwii hore,  ama dib u dhac siyaadadeed ku yimaado, haddii kale uu sida ragga qaar xirfaddiisa la shaqo tago, ama fagaarayaasha ka faaliyo siyaasada, halka ragga qaar qalinka miciinsadeen iyo kuwo kasii daran oo dabka hoosta ama sareba u afuufa, gudaha ha ku jira ama dibad wareeg ha ahaadee, halka bulshada badankeedu sidaan sheegnay ku jiraan gadga’doon iyo gadis go’aan taageero oo aan la saadaalin karin Q2aad

 

TAAGERO KALA MAANA. MUJAAHIDKA IYO MURQMAALKA.

Qalinkii: A.A.Kaahin Q: 2aad

……. kahor intaan doorashada Maxkamada Sare ku dhawaaqin,. Laba niman baa ku kaftamay in judhaba ogaadan cida guushu raacaday, waxayna kasoo kala jeedeen qaarado kala duwan, mid waxa uu ku dooday in doorashada ay kala socdaan Shaashadaha hadba ninka hore iyo Natiijada Rasmiga ah, halka midkale sheegay in 24 saacadood ee u horeeya ay ogaadaan, halka midkale sheegayn in dhawr cisho, qaadato nin isagu ismuu dhibinbee waxa uu sheegay in ay yaqaanaan ninka soo baxaya intaan doorashada la galinba, taasi oo dhinaca dhakhsaha ee ay kufaanaan galbeedku ka dhigtay hal bacaad lagu lisay, marka lasii ogyahayba dhulalka qaar. Ragga qaar waxay ku afgobaad saddaan cid gaara maan taageersanayn, balse ciddii soo baxday baan taageeray si aan u ilaaliyo midbimada, waana haddal xalaal u eeg runtii fiicana in midnimada bulsahda la ilaaliyo.

Ama saaxiib ahaada ma ilmaadeer ahaada ee waxa uu ninkaasi la yimid shaqo wacan, adigu haddaad dawlada la shaqayn waydo waa lagu eryi haddii kalena waa lagu dayn, Erayadaasi xikmada leh, Masuul baa kula dardaarmay labba masuuloo xil look ala wareejinaayay, guusha in aad walaalo la noqotaa waxay leedahay faaiidooyin badan oo aan la koobi karin, halka in maddaxda la aflagaadeeyaa si sare ama hoosena ay leedahay haddimooyin mustaqbal iyo mid nolosha gaarka ah ee qofkaba, taana waxaa agyaal in maddaxda aad ku cagbadataa in haddalkaaga la rumaysanwaayo, siday sheegeen dadkii hore ee wanaaga ka shaqayn jiray.

Iyadoo taasi jirto haddana in loo nasteexeeyo sigaara, {in aad qof ugu nasteexayso goob la wada fadhiyaa waa fadeexad}, taa muqaabilkeeda in waxkastoo gaf ahna waa loo cudurdaarayaa wixii aan taabanayn {KITAABKA IYO SUNAHA}, miisaanka shareecada ayaa la saarayaa, qaldadkooda qaab aynu leenahay waa in la isticmaalaa, oo dad shaashadaha ama muraayadaha laga xukumo aynaan meel isla dhigin, waxa daboolka looga qaadayaa si edab, iyo maamuus huwan. Dhinaca wax ka sheegida madaxda waxay kala siman yihiin bulshada oo qofna kuma gafi kartid sharaftiisa iyo maalkiisaba, ceebtuna sifiican bay u qabataa waayo (NIN DURBAAN QAATAY CILAAQ DALBAY)

Hadda shacabka cidwalba loo garaacaaa waa in lagu daraa in aan la guurguurin, haddii la guurguurana in ummada danteedu kuriixdo, sheekadu noqon QALWADII MASBAA GALAY. haka cararin xilka addaa markii horeba raadinaayee Xilka kaleed sugaysana ku sug haddaanu jiran mawjad. Wayn oo mawqifkaagii dhaqaajisay.

isagoo markii horeba u cararaayay kursiga (ogowna in siyaasadu dano joogta ah leedahay) waana maahmaah u muuqata in ay aad uga fogtahay dhaqankii wacnaa iyo waddaniyada ku dhisan Diinteena Suuban ee hadda lagga sasaba haddii lasoo qaado waayo ma ogola Washinton, arrintaa waar maxay inagu darsadeen barigii , aan macaluulaynay, maanta markii wax qabsanay. WAXAY SOO QAATEEN SHAAMBAD WAYN, OO LA YIDHAAHDO, WAX WALBA FAL, WAAYO, WAA DIMIQRAADIYAD, Maddaxda aad ka u fikirta ee galbeedku waxy sheegeen in aanay xalba ahayn ee dhinaca doorashooyinka uun ay ku sidato bilad dahaba waddamada galbeedka dhexdooda, maaha dibadooda. Runtiina meelo badan oo nolsha ah way ku saaqiday sidii haddalkii Obama ee Kenya markii uu yimid, Maddaxwayne uhuro waxa uu u sheegay in waxaa uu sheegayo ee ceebta ah, aanu ahayn dhaqan Afrikaan iyo waxa la caano maal.

Maantana horumarkii waxa liqay Doorashooyin iyo diwaangalin iyo Coddayn cadceedii soo baxdba dib loo gubaayo, way xumaatay oo maxaa xala ku celiya, waar siyaasiyiinteenu caqli daranaa, waar intay 10 sano inoo xidhaan ay yidhaahdaan waar nin aynu BAHTIYAANASIIB U TUURNO, kolay mid baa helaya, waxaas oo hawlana aan iska dayno, si waddanka iyo dhagaha bulshadu ugu raystaan (ABAARTAN IYO AAFAADKAN INAGA LUMIYAY WAKHTIGII KA QAALISANAA WAXKASTOO HANTIYA,) haddii ay bulshada caalamku inna qabsanayso maxaynu ku qabnaa bal su’aasha, ha inooga jawaabaan UNta,European Union, middawga Africa, IGAD, jaamacada carabtu iyada xusiba mayno, geeridii nabigaba ma oga, waana Aalad ay Masar ku adeegato, oo amaankeena ayayba halis ku tahay iyada iyo Ethipia dagaalka biyaha ee ka dhexeeya waana arrin laggawadda dharagsanyahay, ha inooga jawaabaan su’aashaa xafiisyadoodu, way inna MASHQUULIYEEN UUN. Waayo Xamar Mushaharka shaqaalaha Dawlada iyagaa bixiya sida baarlamaanka. Inaga Nabadee maxaa Baarlamankeena ka xaaraantinimeeyay,

halka dadka qaar yidhaahdaan dan joogta ah malaha, kuwaas oo banaysanaya balanfurka oo xaaraan ku ah diinteena. Balanka ugu waynina waa in Amaanada umadda ee laguu dhiibay aad cidlo kaga dhaqaaqdo, wali raaligalinta shakhsi kaliya iyo cadho galinta cidii kuu cuskatay, haddaba bulshadu hadii kolna nin cadhooday la cadhoodaan, waatan maalin walba lasoo caddho burburaayee goormay bulshowayntu iyadu cadho burburtaa, mise sheekadu waa

guntii iyo gabo gabadii Xisbiga kulmiye ma inuu ina qasuu doonayaa marka la eego arrimahan soo socda

  1. Dhaqdhaqaaqa xaaraanta ah ee qolada aan haysan shati lagaga ganacsado siyaasada ee cirka loo calaamadiyay, mise Gudoomiyaa kaga raaliya mise wuu ka baqanayaa, sawkuwan magacii si xaaraana ugu ololaysanay, jawaab waafiyaan ka rabnaa guddida fulinta haddii kale, umadu wadda xisbiyay furan.
  2. Takale waatii Dr Gaboose iyo Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid Jeelka la dhigay, Caydiidyada, Maxamedada iyo Dr caboose iyo Kijaandhe may kala buruudwayn yihiin, maya dawladaa doorkeedii lumisay markay isticmaashay qabyaalad doorashadii hore kuna dhaqantay, sidaa daraadeed maadaama lagu dhisay qabyaalad ay ka agoomoobeen gobolada barigu, bar tareenkii dhamaadayna inyar oo cawri gafa lasiiyay, waa tilka bitilka ayay carabtu tidhaahdaa, taa taa utuur, dee maxaan u tuurnaa ma kuwan la xidho, ILEEN ALBAABKA FIDNADA WAA LA AWDAAYE, cid sharciga ka saraysaana ma jirto, ama ha is urusadaan ama ha is beelaystaan waa in sharciga iyo maxkamadoo hadda laggu diirsaday talaabo qaadaa, haddii kale bulshadaa dacawad ku furi dhaman dhinacyada oo dhan. HAKALA REEBIN MIISIGA IYO SALAAMAHA. Sheekadu waa qosol qoorsimaad noqoy, maantay qabasho leeyihiin intayna sii fogaan.
  3. Arrimihii dibadana way xuurtaysteen, waaba yaab, waar ileen dawlad bilaa ciidanay ahaayeen nimankum, markaa Mujaahidka iyo cirana ha is bahaystaan iyo faysal si looga gaashaanto, yaan loogacan haadin nimankaa wixii inoo dhexeeyay dibada la tagay, cid Somaliland ugu sujuudaysaana ma jirto ama maraykan u tag ama masar tag ama meel kale tag, tan waxaa u god galay 10,000 wiil iyo intaas oo dada cid aan abaal iyo gacan ugu haynaana ma jirto, ee haddaalina. Ragna walaal wax uu ku dhaama la waa,
  4. Qoladan kornaylada ee sabirka miciinsaday maanta guushiibaa u hadhay ee yaanay is maaxdumin tartan xalaalana waa in ay galaan, dawladana waa in madaxwayna talo fiican siiyaan
  5. Qolada mucaaradku hadda way soo kaceen, waana rajo kale waayo ummada ciddii wax u qabanaysa ayay dooranayaa waa in siyaasad cad ay la yimaadaan, balse qaabka weerarka iyo weerar celiska, waa in formuladaa la badalaa oo macalin xun kulmiye ku ahaa, dhibaatadii UDUB waxa kasii xumaa mucaaradadoo KULMIYE, barigaa ninkii ogaa uun baa ogaa.

Isku duubni siyaasadeed kal qaybsanaan firkir, u adeegid bulsho, cilaaqaadka caalamka oo hadda bildhaamaya nuurna kasoo muuqdo shirkii, waa in bulshadu ka baxdaa marka hebal duryaa laga daba qufacayaa, loona guuraa mark hebel wax qabtaa laga daba sacabinayaa.  dhamaad

Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

ahmedckahin@gmail.com