Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Qarxiyey Sir aanay Shacabka Somaliland ogeyn

0
86

deeee.bmpHargeysa(Waaheen) Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Sheegay In UCID Uu Nin Keli Ah U Afduuban Yahay “Waxaan Jamaal Odhan Lahaa Yaan Been Laguu Sheegine Wadani Ku Biir” Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Uu U afduuban yahay Guddoomiyaha Xisbigaasi Mr. Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu xusay in uu maanta laga bilaabo u guuri doono dhinaca xisbiga Wadani, waxaanu u soo jeediyay Murashaxa Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen in aanu wakhtiga iskaga luminin murashaxnimada xisbiga UCID.

Sidaasna waxa uu ku sheegay madal uu xisbiga Wadani ku soo dhaweynayay siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland oo saaka ku biiray.

“Xisbiga UCID Xisbi uu shaqasi leeyahay ayuu noqdey waxaana xaqiiq ah oo cad in xisbigaasi umada waxabana u aheyn waxabana u qabaneen , anigu dee ceelka guntiisa waan ogahay Jamaal Cali Xussen Waxaan kula talinayaa yaan been lagugu haasaawinin run hadii aad dooneyso aniguba waanigaas meesha iskaga dhaqaaqay markaas Jamaalow meesha waxaba kuuma yaalan ee yaan waxaba wakhtiga lagaa luminin ee iskaga soo bax oo xisbiga waddani ku biir Ayaan ku leeyahay “ayuu yidhi