Siciid Cilmi Rooble oo Xukumada Siilaanyo ku Dhaliilay Gudida ay u Magacawday isku socodka Somaliland iyo Somaliya

0
22

illaahay Tan hayna dhaafiyo oo haynaga furfuro, oo nabbadgelyo sannadkasi haynoogu dhammeeyo

maxresdefaultHargeysa(Waaheen) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Xukumada Somaliland ku dhaliilay gudi ay u saartay isku socodka Somaliland iyo Somaliya.

Waxa kale oo uu Wasiirka Arrimaha Dibada ugu baaqay in uu la yimaado qorshe cad oo Siyaasada Arrimaha dibada ku waajahan.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Anigu waxan leeyahay illahay Tan hayna dhaafiyo oo haynaga furfuro, oo nabbadgelyo sannadkasi haynoogu dhammeeyo, waxan leeyahay shacbiyoow Xukumadani Siilaanyo Lix sanno ayey ina maamulaysay hoos uunbaynu  u sii soconaa”Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Siciid waxa uu farriin u diray Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibada waxanu yidhi. “Wasiirka Arrimaha Dibada Imika la geeyey wax laga filayey Siyaasad cad oo aad dalka ku hogaaminayso oo ah Siyaasada Arrimaha Dibada oo wadahadalada khusaysa, oo barlamaanka soo dhigtid oo la ansixiyo, lagaama sugeyn in shaqaadadu noqoto oo aad tidhaado isdhexgalbaynu sameynaynaa, iyo isu safar “Ayuu yidhi.