Madaxweyne Siilaanyo oo Labba Masuul Xil kali ah u wada Magacaabay

0
43

Admin1

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Habeen hore Digreeto uu soo saaray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Fahmi Caabdi Bidaar  u soo bedelay in uu Noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga Ah iyo Kuwa Maxaliga Ah, balse October 29, 2015 ayaa isku shaandhay ka soo baxday Madaxtooyada lagu magacaabay , Cabdisamad Cumar Maal in uu noqdo  La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga Ah iyo Kuwa Maxaliga Ah isaga oo hore u ahaa Agaasimaha Arrimaha gudaha, waxana Xilalka loo kala bedelay Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed oo imika ah  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.