Xisbiga Waddani oo Xukumadda Siilaanyo ku Eedeyey in Siyaasadii Arrimaha Dibada ay Al-baabada u soo Laabtay

0
71

“Silaanyo waxa loo Arkayey odey ruug cadaaya, oo Siyaasi ah oo dunida Xidhiidh fiican lale, Lakiin Rajadii laga qabay may Rumoobin”Dr. Fadal

ayaanHargeysa(Waaheen) Xog-hayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Mucaaridka Waddani Dr. Maxamed Cisman  Fadal ayaa Xukumada Siilaanyo ku eedeyey in ay tahay mid ku fashilantay Siyaasadii Arrimaha Dibada, isla markana ay ku mashquushay Iibinta Hantida qaranka.

Dr. Fadal waxa kale oo uu isberber dhig ku sameyey Siyaasadii Arrimaha Dibada ee Xukumadii Daahir Riyaale iyo tan Madaxweyne Siilaanyo, waxanu sheegay in Xukumadii Daahir Riyaale halkii ay gaadhsiisay Qadiyada Somaliland ay hoos uga soo celisay Xukumadan Xilka haysa.

Waxa kale oo uu tiriyey wadamo baddan oo ku yaalla qaaradaha adduunka oo  Somaliland Xidhiidh Caalami ah la lahay oo ay ka mid yihiin Afrika, Aasiya, Yurub iyo Ameerika, basle maanta albaabada u soo laabtay Xukumada Siilaanyo.

Dr. Fadal waxa kale oo uuu sheegay in ay jireen dad Aqoonyahano ah oo Ficil, qoraal, hadal ku taagirijiray Somaliland wakhtii Riyaale, basle Imika aan mid laga hayn.

Dr. Fadal oo Arrimahaasi ka hadlayaa wax auu yidhi. “Silaanyo waxa loo arkayey odey rug cadaaya, oo siyaasi ah oo dunida xidhiidh fiican lale, tacab baddan Kulmiye wuu gallay, lakiin rajadii laga lahaa Kulmiye iyo Siilaanyo maynaan helin, meel ka hooseysa meeshii wakhtigii Riyaale aynu maranay ayeynu maanta joognaa, Aqoonsigii shacabku rajeynayeena ma hayaa in ay fashilmeen afkay ka dhawraan, barigii hore waxaynu lahayn rag Somaliland u dhaqdhaqaa oo caalamka ina bara oo isku jira kuwo aynu diranay iyo kuwo kaleba, sida kuwo Kanada joogay iyo waliba qaar ka tirsanaa Barlaamanka Ingiriiska, balse xukumada Siilaanyo waxay ku mashquushay mashaariic kala ah  dhul la iibiyo iyo dekedo la iibiyo”Ayuu yidhi.