Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo Xanuun u Jiifa iyo Cabdiraxmaan Ciro oo Booqday

0
144

1-2Hargeysa(Waaheen) Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ay weheliyaan gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed iyo masuulyiinta xisbigaasi ayaa waxaa ay galabta ay booqasho ugu tageen xaaji Cabdi kariim Xussen (Cabdi Waraabe) oo maalmihii u danbeeyey xanuun u jiifay.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu xaaji cabdi waraabe ilaahay uga baryey in uu caafimaad siiyo isla markaana uu ka dul qaado xanuun Sidoo kale xaaji Cabdi waraabe ayaa waxaa uu uga mahad celiyey gudoomiyaha booqashada ay ugu yimadeen isaga iyo waftiga uu hogaaminayo waxaana uu halkaasi xaajigu gudoomiyaha ku siiyey waanooyin wax ku ool ah isgoona kula dar daarmey in uu xisbiga waddani ka ilaaliyo khilaaf ka dhex curta .