Arinta Sool waa Mudo kordhin Cusub‏

0
76

Siilaanyo Sool Shidaal Kama doonayee waa Mudo kordhin Doon.

Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira’e
Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane
Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero
.

aaaMaalmahan waxan maqlayay Qaylo dhaan kasoo yeedhaysa Sool taasoo ka Dhawaaq duwan Noocii Dhagaha Dadku waayadaa u bartay kaasoo iska ahaan jiray mid macruufa oo inta badan ku saabsanaan jiray Beelo is Hirdiyay oo isku haysta Ban iyo Biyo balse waayadaa Dadkii Deegaanku kasoo doogay kadib markii Beelihii Walaalaha ahaa Illaahay karan siiyay inay ka wada hadlaan arintaa iyagoo kaliya ka duulaaya Danta Shacabka iyo ta Deegaanka Anana aan ku diirsanay.

Halkaana waxa ku Macaluulay Qolyihii Biishan jiray Colaada Xigaalka iyo Sokeeyaha Somaliland ee waliba iyaga Dulsaarka loo saaray oo ku Macaashi jiray Nabadaynta iyo Gurmadka Gobolada Bari taasi oo Mahadeeda  aan Illaahay ugu Mahad naqno Ka sokowna loogu Abaal hayo Dr Saleeban Xaglatoosiye oo isteerinka u qabtay inuu meesha ka saaro Habkii Colaad ku Macashka ahaa ee ay heshiiska ku ahaayeen koox ka kala tirsan labada Dhinac toosna ula macaamilay Dadkii Deegaanka Gaadhsiiyayna hadba wixii loogu talo galay.

Yaabaye Orta baxaysaa ka ujeedo fog intii awal lagu yiqiinay maxaa yeelay waxa iswaydiintaa keenay kadib markii loo raray Arimo iyo Hawlo kasocon waayay Goboladii iyo Degmooyinkii 25 Sano Nabada ahaa Sida Togdheer,Oodwayne iyo meelo kale kuna saabsan Mashruuca loogu magac daray Baadhista Shidaalka oo sidiisaba lagu bilaabay Xagxagasho iyo Xeer laaan runtiina ay ku heleen woxoogaa lacaga inta la ogyahay balse lagu waayay wax wayn oo ka fiicnaa oo ay kamid ahaayeen Kalsoonidii Shacabka oo luntay iyo Saaxiibo badan oo dhab ahaan ku hamiyay inay Dalkan Maal-gashadaan iyagna ay ka diddeen Dawlad  xumada iyo Dawga dadkani marayaan oo gabi ahaanba ka madhan Sharci iyo Masuuliyad ayna  inoo arkeen Dad aan la Aamini Karin waayo Dawlada Dadkeeda Khiyaanta Dunida kalana Khayr kama Doonto.

Balse waxan sii yaabay markii aan maqlay Sool baa Shidaal laga baadhayaa muxuu yahay Shidaalkaasi? Waar Shidaal ma jiree Tolow sharka la doonayaa muxuu yahay anoo cabiraaya Aragtidayda waxay ila tahay in ay Xukuumada Siilaanyo Xayraamayso Colaad Laba Geesooda oo kala ah Mid ay ka dhex Abuurto Shacabka halkaa Degan iyo Mid Gacan ku rimisa oo laga soo Abaabulay Puntland kaasoo ah Kaalay Moranee Si aan labadeenuba u Macaashno una Helno Mudo Kordhimo Shacabkuna kama Dareen la a in Xiriir ka dhexeeyo Siilaanyo iyo Gaas oo waaba kii Siilaanyo Bari oran jiray Arintaa waxan kala hadlay Gaas isna oran jiray waxba kama jiraan hadii aanay taasi jirin maxaa inoo keenay inay Puntland ka hadasho Hawlaha Sool ka socda Shidaal aan ka baarno ama Dhagax Shiileed aan ka baarnee ilayn  Xuduud ayaan kala leenahaye waayadaana waxayba ku mashquul sanaayeen Xagaayo Gaalkacayee.

Siilaanyo wuxuu helay Mudo kordhin lagu sababeeyay Hebal iyo Hebalba waa loo kordhiyay Abuuristeeda iyo Curinteedana lagu sifayn karo mid uu ka Dambeeyay Muuse Geesi oo xal u arkay hadii uu Odaygaa u helo 2 Sano oo kordhin ah inaanay ku jirin Awood kale oo uu isku sii Sharxi karo taasi waxay keenaytay inay Xukuumada Siilaanyo Hesho laba Sanadood oo Xaaraana oo aan loo Xeer iyo Xarago Dayin meeshana ka saartay kalsooni badan oo beesha Caalamku Dalkan u haysay sidoo kalana Dhamaan beenisay Halhayskii iyo Halgankii Siilaanyo kursigan ku helay kaas oo ay ka mid ahayd inaanu jeclayn Kordhinta hadii la doortana aanu ogolaan doonin in maalin loo kordhiyo oo xaataa uu aad ugu Celceliyay intii uu ka hor hadlaayay Bulshada iyo Goloyaasha taasina waxay abuurtay inuu Shacabkii ka Aamin baxo Qofkasta oo madax ah oo balan qaada inuu wax qaban doono hadii xaataa ay ka dhab ahaan lahayd sida looga soo kabtaana way adkaan doontaa waayo dadkii iyo Xisbiyadii waxa kala dilay Siilaanyo iyo Xisbigiisa ilaahay ayay tiisa tahee.

Aan usoo noqdo ujeedada Siilaanyo iyo Xukuumadiisu ay ka leeyihiin Sool iyo Shidaal baadhisteeda waa inay helaan Mudo-kordhin kale taasoo ku qotonta Qodobada Dastuurka ku xusan kadib marka la iska horkeeno Shacabka deegaanka inta xagan laga hubaynayo maahee inta kalana xagaa puntiland u xoog doonato sidii awalba lagu ogaa taasina la inoogu fasiro inuu Dalku ku jiro Dagaal Qaran oo uu iskaga difaacaayo Duulimaadka Puntland balse ilaahay ayay tiisa noqon oo dadkani ilaahay ayaa la jira oo Idanka Ilaahay usocon mayso balse waa in laga foojignaadaa Arintaa Shacab iyo Axsaaba. Waxan kusoo gabagabaynayaa Tix kamida Gabaygii Hadraawi ee Gudgude.

Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye
Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo’aad tahaye
Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye
Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye
Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda
Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye
Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye.

Qalinkii Maxamed Abiib Yuusuf

Bulaawecade98@hotmail.com