Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilal Cusub Magacaabay

0
122

Hargeysa, (Waaheen)-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3714/122015 ku magacaabay Danjireyaal cusub.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;. Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka. Markuu Arkay:- In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland. Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Madaxweynaha La-tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah. Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large). ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL